Xasan Sheekh oo war kasoo saaray dagaalkii BAXDO

Muqdisho (Caasimada Online) –  Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo war ka soo saaray dagaalkii maanta ka dhacay degaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud ayaa bogaadiyey dadka deegaanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shacabka degaanka Baxdo ku amaanay sida naf-hurnimada leh oo ay isaga difaaceen kooxda Al-Shabaab oo saaka weerar ‘bahalnimo ah’ ku soo qaaday deegaankaas.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in khasaaraha xooggan ee bulshada Baxdo iyo ciidanka xoogga dalka ay gaarsiiyeen Al-Shabaab soo weerartay ay muujinayso sida shacabka Soomaaliyeed ay uga go’an tahay in si geesinimo iyo nafhurnimo leh ay iskaga dulqaadi karaan dhibaatada ay argagixisadu ku hayso.

“Reer Baxdo, waxaad saaka cashar lama ilaawaan ah u dhigteen argagixisada idin soo weerartay. Waxaad dirteen farriin xambaarsan geesinimo oo muujinaysa in ay gabaabsi marayaan maalmihii argagixisda ku dhuumaaleysanayeen gudaha dalkeenna, si ay u dhibaateeyaan dadkeenna birma-geeydada ah,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha ayaa Alle Jannatul Firdowsa uga baryey muwaadiniintii ku shahiiday weerarkan, kuwaas oo difaacayay dhulkooda iyo dadkooda, sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu caafimaad degdeg ah u rajeeyey dadka deegaanka ee waxyeeladu  ka soo gaartay weerarkaas.

Dagaalka oo socday dhowr saacadood ayaa waxaa jab weyn lagu gaarsiiyey kooxda Al-Shabaab, waxayna magaalada dhexdeeda uga carareen meydad tiro badan, kadib markii ay awoodi weysay kooxdu inay qaadato.

Sida ay shaacisay idaacadda VOA, Al-Shabaab ayaa waxaa dagaalkaas looga dilay ugu yaraan 40, halka uu jiro tira kale oo dhaawaca ah oo dagaalka lagu gaarsiiyay dagaal-yahanad kooxda.

Sidoo kale dadka deeganka Baxdo ayaa waxay soo bandhigeen saddex kamid ah maleeshiyada oo dagaalka lagu qabtay.