Daawo: Sheekh Usuuli oo si cajiiba ugu hadlay kiiska Ikraan digniina u diray shacabka

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Usuuli oo ka mid ah culumada Soomaaliyeed ee bulshada uga jawaabta su’aalaha diiniga ah ee ka dhex guuxaya ayaa ka jawaabay su’aal laga weydiiyey isku tuur-tuurka uu galay kiiska Ikraan Tahliil, xilli uu toos u fadhiyey barnaamij ka baxay TV-ga Universal.

Sheekha ayaa fariin la xariirta kiiska Ikraan Tahliil u diray shacabka Soomaaliyeed, isagoo uga digay inay la kala saftaan siyaasiyiinta isku eedeyneysa dilka Ikraan.

Wuxuu soo jeediyey in kiiskaan maxkamad la geeyo oo ragga isku eedeynaya halkaas lagu kala saaro, balse aan lala kala safan siyaasiyiin faraha isku fiiqeysa, “Shacabow arrintaan afkiina ka beri-yeela,” ayuu yiri.

Sheekh Usuuli ayaa sheegay in shacabku ay baraha bulshada ka fidaacayaan siyaasiyiinta, “War yaa kuu sheegay waxaan aad ku doodeyso? Maxkamadda malagaa wacaa berri oo ma ku marqaati furee? Maka jawaabeysaa hadii lagu weydiiyo sidii loo dilay Ikraan? Cadeyn hadaadan heynin iska aamus walaalow,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Sheekh Usuuli.

Sidoo kale wuxuu sheegay in qof kasta oo maanta uu Ilaahey ka beri-yeelay kiiskaan uu nasiib leeyahay, “War shacabow ilaahey ka cabsada, gabar dhiigeedaa la isku heystaa, dhiiguna waa khatar, waxaan ilaahey ka baryaa inuu dhiiga gabadhaas xaqa ka soo saaro,” ayuu yiri Sheekh Usuuli.

Sidoo kale wuxuu sheegay in qof kasta looga baahan yahay inuu gacan ka geysto sidii kiiskaan maxkamad loo geyn lahaa, balse laga baaqsado marin habaabinta, “Buuqa la kicinaayo waxaa looga dan-leeyahay in dacwada taalla ay noqoto mid aan wax ka soo qaad laheyn, qiyaamaha waa la qabsanayaa dadka ka qeyb qaadanaya marin habaabinta dhiiga gabadhaas,” ayuu yiri Sheekh Usuuli.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Shacabow waxaan idinku waaninayaa, ka gaabsada kiiskaan, haka qeyb qaadanina marin habaabintiisa, qof kasta ninka uu taageerayo maalinta qiyaame waa uu ka carari doonaa, nin kasta oo qof tuhmay cadeyn ayaa laga rabaa.”

Hoos ka daawo