Khasaaraha Al-Shabaab ee dagaalkii Baxdo oo kordhay – Sidee wax u dhaceen?

Baxdo (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha kala gaaray Al-Shabaab iyo dadka deegaanka oo saakay ku dagaalamay degaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud, halkaas oo maanta lagu soo bandhigay meydadka dagaalyahanadii kooxda Al-Shabaab.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle oo dagaalka ka hadlay ayaa sheegay in khasaaraha dhimashada iyo dhaawacyada ee la gaarsiiyey Al-Shabaab uu gaarayo 100 qof.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dadka deegaanku ay Al-Shabaab ka furteen hub iyo afar gaari oo isugu jiray kuwo lagu soo diyaariyey waxyaabaha qarxa iyo kuwo toos u dagaalamayey.

Wasiir Falagle ayaa sheegay in dagaalkii maanta Baxdo ka dhacay ay hoggaaminayeen culumada Ahlu-Sunna Waljamaaca oo si weyn uga abaabulan degaankaas, kuna guuleystay inay iska caabiyaan kooxda.

Khasaaraha gaaray dadka deegaanka ayuu ku sheegay ilaa 10 qof oo afar ka mid ah ay geeriyoodeen, halka inta kale dhaawacyadooda la kala geeyey magaalooyinka Cadaado iyo Muqdisho.

Wararka aan ka heleyno dadka deegaanka waxay tilmaamayaan in Al-Shabaab dagaalka looga qabtay maxaabiis ay ku jiraan xubno ajaanib ah, sidoo kale dagaalka waxaa dib uga soo biiray ciidanka xoogga dalka oo khasaare uu ka soo gaaray.

Xildhibaan Cabdisaabir Shuuriye ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu ku sheegay in isaga Xildhibaan Cabduraxmaan Odawaa, guddoomiye Abshir Bukhaari iyo Wasiir Cabdiraxmaan Al-Cadaala oo deegaankaas ay ka soo wada jeedaan ay galabta isbitaalka Digfeer ee Muqdisho ku booqdeen Sheekh Muuse oo kamid ah culumadii maanta lagu dhaawacay dagaalka Baxdo.

Xildhibaan Cabdisaabir ayaa qoraalkiisa ku yiri, “Madaxweynaha iyo taliyaasha aminigaba waan gaarsiinay gurmadka iyo baahiyaha ay qabaan reer Baxdo oo markii labaad iska difaacay khawaarjita, waxayna ballaan qaadeen sida ugu dhaqsiyaha dhow in looga jawaabi doono baahiyahaas.”

Sidoo kale Cabdisaabir oo baaq u diray qurba-joogta deegaanka ayaa yiri, Waxaan baaq gooniya u dirayaa qurbajoogta reer Cadaado iney ka soo qayb qaataan gurmadka dadkaas walaalahood oo abaaraha iyo dagaalka khawaarijtu isugu darsameen.”

Hoos ka dhageyso wareysi uu wasiir Falagle siiyey VOA