Al-Shabaab oo 40 dagaal-yahan looga dilay dagaalkii xoogganaa ee ka dhacay…

Baxdo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya deegaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamada Galmudug iyo kuwa deegaanka ah ay iska caabiyeen weerarkii ay kooxda Al-Shabaab saaka kusoo qaaday deegaanka kaasi oo ku bilowday qaraxyo.

Sida ay ay dadka deegaanka xaqiijiyeen, dagaalka oo socday dhowr saacadood ayaa waxaa jab weyn lagu gaarsiiyey kooxda Al-Shabaab, waxayna magaalada dhexdeeda uga carareen meydad tiro badan.

Sida ay shaacisay idaacadda VOA, Al-Shabaab ayaa waxaa dagaalkaas looga dilay ugu yaraan 40, halka uu jiro tira kale oo dhaawaca ah oo dagaalka lagu gaarsiiyay dagaal-yahanad kooxda.

Sidoo kale dadka deeganka Baxdo ayaa waxay soo bandhigeen saddex kamid ah maleeshiyada oo dagaalka lagu qabtay.

Kooxda ayaa awoodi weysay inay qaadato meydadka kadib markii ay iska caabin xoog leh kala kulantay ciidamo daacad u ah culumo ku sugan Baxdo oo halkaas ka akhriyo duruus diini ah.

Khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac ayaa soo gaaray ciidamada dadka deegaanka ee daacadda u ah culimada Ahlu Sunna iyo ciidamada maamulka, waxaana la xaqiijiyey toddoba qof oo dhimasho ah iyo tobaneeyo kale oo dhaawac ah.

Al-Shabaab ayaa horey isugu dayday inay qabsato Baxdo, balse kuma guuleysan, waxaana joogo ciidamo daacad u ah culamo halkaas ku leh madaaris waaweyn oo lagu barto diinta Islaamka.

Deegaanka Baxdo ayaa 90-km u jiro magaalada Cadaado, waa deegaan hoos tago Cadaado oo aan weli loo aqoonsan degmo.