Toban dhacdo oo muhiim ah oo FAHAD YAASIIN uu ka dhuuntay inuu ka hadlo

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin wuxuu dusha saartay dhacdooyin badan oo loo haysto nidaamkii madaxweyne Farmaajo, intii uu socday wareysi uu dhawaan bixiyey.

Dhacdooyinkii uu Fahad mas’uuliyadooda qaatay, waxaa qaar laga sugayey inay ka jawaabaan Farmaajo ama madaxdii kale ee dowladaas, laakiin Fahad oo awooday inuu jawaabaha qaar xawilo ayaa doortay inuu isaga ka jawaabo.

Shantii sano ee madaxweyne Farmaajo dalka waxaa ka dhacay arrimo waaweyn, kuwa badan oo muhiim ah oo ay dadku sugayeen inuu Fahad ka hadlo ama la waydiiyo ayaan soo gelin wareysiga.

Uma badna in la iloobay waxayse u muuqdaan dhacdooyin uusan rabin Fahad Yaasiin inuu ka hadlo. Sheekadaan waxaan kusoo koobeynaa 10 dhacdo oo qaarkood ay dalka iyo dowladnimadaba gilgileen oo uu Fahad ka dhuuntay una baahan in mar kale la waydiiyo.

  1. Arrinta Qalbi Dhagax

Dambiga ugu weyn ee nidaamkii madaxweyne Farmaajo loo haysto waa in muwaadin Soomaali ah loo dhiibay dowladda Itoobiya. Falkan lagula kacay Cabdikariin Shiikh Muuse Qalbidhagax ayaa gilgilay nidaamka dowladeed ee Soomaaliya.

Waa kiis uusan qofna ka boodi karin marka uu rabo inuu ka waramo maamulkii madaxweyne Farmaajo. Fahad kama hadlin arrinta Qalbidhagax.

  1. Dilkii Injineer Yariisow

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir En. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow iyo qaar kamid ah maamulkii degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa lagu dilay xarunta dowladda hoose ee magaalada Muqdsiho.

Waxay aheyd dhacdo weyn in xafiis sidaas loo ilaaliyo uu falkaasi ka dhici karo. Illaa hadda mugdi ayaa ku jira dilkaas.

Muuqaaladii ay duubeen kaamirooyinka qarsoon sida ay dowladda u maareysay ayaa shakiga gudaha ah xoojisay. Fahad waa ka dhuuntay mowduucaan.

  1. Weerarkii lagu qaaday guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Dowladdii Siyaad Barre kadib in qof siyaasi ah la isku dayo in loo qaarijiyo aragtidiisa siyaasiga ah waxay dhacday bishii December 2017.

Kooxda madaxweyne Farmaajo ayaa duulaan ku qaaday guriga siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuu Warsame oo si weyn uga aragti duwanaa dowladaas. Fahad Yaasiin wuxuu markaas ahaa agaasimaha Villa Somalia oo la aaminsan yahay in weerarka laga abaabulay.

Dhacdadaan iyadana Fahad lama waydiin/

  1. Weerarkii madaxweynayaasha

Laba jeer ayaa la weeraray madaxweynaha maanta talada haya Xasan Sheekh Maxamuud intii uu jiray nidaamkii Farmaajo. waxay aheyd gaf xasaanadeed, mid sharci iyo halis la geliyey dowladnimada Soomaaliya.

Dhaqankaas foosha xun illaa hadda cidna looma maxkamadeyn. Fahadna wuxuu doortay inuusan arrimahaas ka hadlin.

  1. Xildhibaanimadii loo diiday Fahad

Jabkii ugu weynaa ee siyaasad ahaan soo gaara Fahad Yaasiin waxaa loo arkaa guuldaradii kursigii loo diiday. Muranka kursigiisa muddo ayuu socday mana ahan wax la iloobi karo, Fahad kama hadlin lamana weydiin sababtii uu kursiga ku waayey.

Laakiin wuxuu wareysiga dhexdiisa ku weeraray qof walba oo kaalin ku lahaa inuu kursiga xildhibaanimada waayo.

  1. Xariga Mukhtaar Roobow iyo dadkii lagu laayey Baydhabo

Muddo dhowr sano ah waxaa NISA ugu xirnaa Muqdisho Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur. Ninkaan oo isagoo raba inuu u tartamo hoggaanka Koonfur Galbeed lasoo xiray waxaa dhinaca kale dhacdadiisa xigay dad dibad-baxayaal ah oo ay dowladda ku leysay magaalada Baydhabo.

Fahad kama hadlin sababta loo soo xiray Mukhtaar iyo mas’uuliyadda shacabkii la laayey.

  1. Doorashooyinkii maamul Goboleedyada

Dowladdii madaxweyne Farmaajo waxaa lagu tilmaamaa dowladdii lacagtii ugu badneyd ku bixisay burburinta maamul goboleedyada.

Farmaajo iyo saaxiibadii waxaa la sheegaa inay nidaamka federaalka ah diidan yihiin. Doorashooyinkii ugu liitay ayaa maamul goboleedyada laga qabtay intii uu jiray nidaamkii madaxweyne Farmaajo.

Silacaas loo geystay masiirkii dadka gobolada ku dhaqan iyo hantida lagu burburiyey midna kama uusan hadlin Fahad Yaasiin.

  1. Asalka khilaafka iyo isaga iyo ra’iisul wasaare Rooble

Fahad wuxuu wareysigiisa ku muujiyey naceybka iyo cadaawadda ka dhaxeysa isaga iyo Rooble. Dad badan ayaa ku dhaliilay Fahad inuu wax kala reeban waayey, balse dhinaca kale Rooble isna dhowr jeer ayuu Fahad si farsameysan ugu weeraray warbaahinta.

Gunta khilaafka labada nin kama uusan waramin Fahad

  1. Ridistii sharci darada aheyd ee Kheyre

Ra’iisul Wasaarihii Soomaaliya Xasan Cali Kheyre waxaa si aan sharciga lo marin loo riday Bishii July 2020. Sharci-daradaas oo la aaminsan yahay inay Fahad iyo Farmaajo darawaliin ka ahaayeen iyadana lama soo hadal qaadin.

  1. Sababtii guuldarada doorashada madaxweynaha

Fahad wuxuu ahaa madaxii ololaha madaxweyne Farmaajo, wuxuu sheegtaa inuu yahay macalin sixi kara qiyaasta doorashooyinka, walow dadka qaar ay taas si weyn u duraan, haddana Fahad ma sheegin waxa sababay guul-daradii qaraareyd ee kooxdooda kasoo gaartay doorashadii madaxweynaha.

Tobankaan dhacdo ee waaweyn ma ahan inuusan Fahad xasuusan ama aan la weydiin karin, balse waxaa lagu sifeeyey dhacdooyin uu ka baxsanayo ka hadalkooda.