Maxay Michael Keating iyo taliyaha ciidamada Ethiopia uga hadleen qorshaha Somalia?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia Micheal Keating ayaa magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia kulan gaara kula qaatay Taliyaha guud ee ciidanka difaaca Ethiopia General Samora Yunis.

Micheal Keating iyo General Samora Yunis, ayaa inta uu kulankooda socday isla soo qaaday xaalada cakiran ee ka taagan Somalia, Amniga iyo sida ciidamada Somalia loogu wareejin lahaa amaanka dalka.

Micheal Keating, ayaa Taliyaha guud ee ciidanka difaaca Ethiopia General Samora Yunis ku amaanay sida ay uga go’an tahay inuu isku garabtaago Somalia, sida uu hadalka u dhigay

Keating waxa uu sheegay in Taliyaha uu ku adkeeyay wax ka bedelka xaalada cakiran ee iminka ka taagan Somalia, gaar ahaan dhanka amniga.

Qoraal kooban oo ergaygu soo dhigay bartiisa twitterka ayuu ku sheegay in isaga iyo Taliyaha difaaca ay ka wada hadleen sidii mas’uuliyada amniga Somalia loogu wareejin lahaa ciidamada Somalia.

Keating, waxa uu arrin muhiim ah ku sheegay in la adkeeyo awooda ciidamada Somalia, isla markaana ciidamada loo muuqaal ekeysiiyo kuwo tayo leh oo wax muuqda ka qabankara amniga Somalia.

Sidoo kale, waxa ay Keating iyo General Samora si wada jira u qireen in bixitaanka ciidamada AMISOM uu bilaaban doono sanadka 2018 waxaana muhiim ah in ciidamada Somalia loo diyaariyo sidii ay ula wareegi lahaayeen amniga dalka.

Dhinaca kale, magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ayaa waxaa ka socda kulan ku aadan arintan oo ay qayb ka yihiin Midowga Afrika iyo QM.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com