28.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 26, 2026

Maxay Puntland ka tiri go’aankii uu Xasan Sheekh ku dhowaaqay?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garowe (caasimada Online) – War qoraal ah oo kasoo baxay Puntland ayaa looga hadlay go’aankii uu madaxweynaha Soomaaliya ku ansixiyay hishiiskii bishii april 12 ka dhacay magaalada Muqdisho kaasi oo lagu qeexay doorashada ka dhaceyso Soomaaliya iyo nooca ay tahay.

Warsaxaafadeedka Puntland ka soo baxay ayaa sidaan lagu sheegayu:

Kadib markii Puntland iyo dawladda Federaalka Soomaaliya ay heshiis qeexaya hannaanka doorashooyinka 2016-ka ku kala saxiixdeen magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland 3-April-2016-ka isla markaana ay beesha caalamku goob-joog iyo dammaanad qaadba ka ahayd heshiiskaasi.

Sidoo kale 12-April-2016 ayaa madasha wadatashiga Qaran kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxa ay si buuxda u oggolaadeen heshiiskaasi u dhexeeyey Puntland iyo dawladda Federaalka Soomaaliya balse waxa ay soo jeediyeen in heshiiskaasi lagu mideysan yahay la hor geeyo golaha wakiillada dawladda Federaalka Soomaaliya.

Kadib markii muddo saddex toddobaad ah oo heshiiskaasi uu horyaalley golaha wakiillada dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa kasoo bixi waayey wax natiijo ah oo ay isku raacaan xubnaha golaha wakiillada ee doodaasi dhex taalley.

20-May-2016 ayaa waxaa magaalada Muqdisho shir uga furmay golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey iyo madaxda kala duwan ee Soomaaliya, iyadoo shirkaasi uu Puntland uga qayb galay Madaxweyne Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Wafti uu hoggaaminayo, shirkaas oo ugu dambayn dawladda federaalka Soomaaliya loogu soo jeediyey in ay meel mariso heshiisyadii hore loo gaarey ee lagu qeexayey hannaanka doorashooyinka 2016-ka.

Ugu dambayn, Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa xeer madaxweyne ku meel mariyey dhammaan heshiisyasaasi

Qodobka 1aad

“1. In la dhaqan geliyo Go’aanka Madasha Hoggaamiyayaasha Qaranka ay si wadajir ah u wada qaateen hannaanka doorashada ee lagu qeexay warmurtiyeedkii ay soo saareen 12-kii Abriil 2016 iyo soo Bandhigidda Hannaanka Doorashada Sanadka 2016 ee 30/04/2016 ay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya u gudbisay Golaha Shacabka Federaalka.

  1. In Hannaankan loo adeegsanayo doorashada 2016 oo keliya, marka ay dhammaato muddada dastuuriga ah Hay’adaha Sharci Dejinta iyo Fulinta”.

Go’aankan uu maanta qaatay Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa noqonaya mid si rasmi ah u taabba gelinaya heshiisyadii ay hore u wada gaareen dawladda Puntland iyo dawladda Federaalka Soomaaliya.

Caasimada online
Xafiiska Garowe
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News