Hargeysa (Caasimada Online) – Magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland ayaa waxaa ka bilaabatay soo xulista xildhibaanada Somaliland u matalaya dowlada federaalka Soomaaliya, sida uu sheegay Sheikh Aadan Siiro.
Sheikh Aadan Siiro, ayaa sheegay In shaqsiyad si weyn looga yaqaan Hargeysa ay bilaabeen iney xulaan xubnaha Somaliland kaga soo aaday aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in shaqsiyaadka sida weyn loo yaqaan ay tagaan xafiisyada Somaliland ee Hargeysa iyadoo dadka doonaya ku wargelinaya iney isku diiwaan geliyaan iney kamid noqonayaan baarlamaanka Soomaaliya.
Sheikh Aadan Siiro ayaa sheegay in arintaasi ay noqoneyso balan ka bax, iyadoo madaxda ay iska dhigayaan iney ka shaqeynayaan danta Somaliland balse ay ujeedo kale leeyihiin.
Somaliland ayaa waxay aqalka sare ee baarlamaanka ku leeyihiin inka badan 10 xildhibaan.
Hoos ka daawo muuqaalka
Caasimada Online
Xafiiska Somaliland
[email protected]

