Garoowe (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa ka hadlay go’aanka kasoo baxay golaha wasiirada Soomaaliya oo habeen kahor soo saaray qaraar ka dhan ah doorashada Jubbaland iyo go’aan lagu maxkamadeynayo Axmed Madoobe.
Wasiiru dowlaha madaxtooyada Puntland, Cabdifitaax Cabdinuur oo war qoraal ah soo saaray ayaa si weyn uga horyimid tallaabooyinka ay qaaday dowladda dhexe ee ka dhanka ah Jubbaland, sida ciidamada lagu daabulay maamulkaas iyo go’aanka golaha wasiirada.
Cabdifitaax Cabdinuur ayaa shaaca ka qaaday in arrinta ku aadan maxkamadeynta Axmed Madoobe ay tahay kali-talisnimo iyo ku takrifal awoodeed, sida uu hadalka u dhigay.
“Ciidankii shalay lagu soo daadiyay deegaano ka tirsan Jubbaland iyo go’aankii dowladda ee xalay kuna aadanaa in la maxkamadeeyo Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa muujinaya hab dhaqan kaligii talisnimo iyo ku takrifal awoodeed.” ayuu yiri Cabdifutaax Cabdinuur.
Wasiiru dowlaha madaxtooyada Puntland ayaa sidoo kale tilmaamay in tallaabooyinkan ay halis ku yihiin dalka, ayna dhalin karaan dagaal sokeeye oo saameyn ku yeesha geeddi socodka dowlad dhiska Soomaaliya.
“Tallaabooyinkan ayaa khatar weyn ku ah geeddi-socodka dowlad-dhisidda ee hadda socday, waxayna si fudud u sii hurin karaan xiisadda iyo colaadaha qabaa’ilka Soomaaliyeed” ayuu mar kale yiri wasiiru dowlaha madaxtooyada maamulka Puntland.
Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Waa lagama maarmaan in dowladdu ay qaado tillaabooyin adag oo lagu soo celinayo rajada umada isla markaana si firfircoon ay dowladu kor ugu qaado ka shaqeynta midnimada dalka iyo nabadda gobolka”.
Puntland ayaa horay u taageertay doorashadii shalay ka dhacday Kismaayo oo mar kale dib loogu doortay madaxweyne Axmed Madoobe, waxaase diidan dowladda dhexe oo sharci darro ku tilmaamtay, waxaana ay qaaday tallaabooyin ay uga hortegayo maamulkaasi.