Maxay Somaliland ka tiri eedeymihii Puntland kula xiriirisay kooxda Daacish?

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland oo ka jawaabtay eedeymaha ay Puntland kula xiriirisay kooxda Daacish ee dhuumaaleysanaysa buuraha Cal Miskaad ayaa ku tilmaantay “hadal meel waayay.”

Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, ayaa sheegay in wax lala yaabo ay tahay eedeymaha kasoo yeeray Puntland, kuwaas oo uu ku tilmaamay eedo ay cuqdad ka muuqato, oo aanay marnaba ka suurtoobaynin Somaliland.

“Waxa wax lala yaabo ah eedaha deel-qaafka iyo cuqdada ah ee ay ka muuqato nafla-caarinimada la qarsan waayay, oo maalmihii la soo dhaafay ka soo yeedhayay mas’uuliyiin ka tirsan maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya, kuwaas oo ku eedaynayay Somaliland wax aanay dhaqan u lahayn, kana suurtoobi karin, oo aan ku sifayn karno ‘hadal meel waayay,'” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Wasiirka Warfaafinta Somaliland.

Somaliland ayaa ku dooday in ay taariikh dheer u leedahay la-dagaallanka argagixisada iyo budhcad-badeedda, oo ay ka fogaysay deegaanadeeda, iyadoo sheegtay in juhdigii ay ka samaysay ka hortagga argagixisadu uu noqday mid deyr u ah mandaqadda oo dhan.

“Qodobka 10-aad, fiqradiisa 7-aad, ee Dastuurka JSL waxa uu jideynayaa: ‘Dawladda Somaliland waxay ka soo horjeeddaa falalka argagaxisnimada, ujeeddo kasta ha lahaadee. Somaliland waa dalka keliya ee mandaqadda ku yaalla ee dastuurkiisu waajibiyay la-dagaallanka argagixisada,’” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxa kale oo intaas lagu sii daray: “Xukuumadda Somaliland waxa mar walba ka go’an la-dagaallanka argagixisada, waxaanay iskaashi wax ku ool ah kala leedahay arrintaas dalalka jaarka ah.”

Puntland ayaa marar dhowr ah ku eedaysay Somaliland inay xiriir la leedahay argagixisada Daacish, taas oo ay ugu dambeysay “in ay heshay dukumentiyo muujinaya in dhaawacyada kooxda lagu soo dabiibo Hargeysa.” Hase yeeshee, cadeymaha ay sheegtay Puntland lama wadaagin warbaahinta, waana kuwa ilaa hadda ku kooban afka baarkiisa.