Maxay tahay arrinta laga faafiyey G/BANAADIR ee qabsatay baraha bulshada?

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Benaadir ayaa markii u horeysay iska fogeeyay qoraal lagu faafiyay baraha bulshada, kaasi oo lagu sheegayay inuu dib u dhac ku yimid lacag loogu tala-galay dhalinyaro la shaqeynaysay gobolka.

Dhalinyaradaaasi oo qeyb ka ahaa shaqaalihii ka shaqeeynayay howlaha la xiriira ka hortagga iyo xog aruurinta saameynta caabuqa Covid-19 ee magaalada Muqdisho, ayuu maamulka gobolku sheegay inay heli doonaan xuquuqdooda.

Qoraal kasoo baxaya maamulka gobolka Benaadir oo uu ku saxiixnaa Afhayeenka maamulka gobolku, ayaa waxa lagu sheegay inaysan jirin dib u dhac ku imaaday lacag bixinta shaqaalahaasi, sida lagu arkay waraaq u eg mida gobolka oo lagu baahiyay baraha bulshada.

War-saxaafadeedka kasoo baxay maamulka gobolka ayaa sidoo kale lagu sheegay  inay muhiim tahay in lasoo dhameystiro habraacyada iyo qoraalada heshiiseedka si loo xaqiijiyo in sida ugu dhaw loo siiyo xuquuqdooda  dhalinyaradaasi.

“Waxa uu maamulka gobolka Benaadir leeyahay baro rasmi ah oo loo adeegsado faafinta wararka rasmiga ah ee kasoo baxa maamulka si loo sugo dhab ahaanta iyo kalsoonida wararkaasi lagu xaqiijin karo” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay gobolka Benaadir.

“Waxa uu xiligaan maamulka gobolka Benaadir ku guda jiraa xaqiijinta howl-qabashada dhalinyarada sharafta mudan ee mar walba ka qeyb qaata howlaha horumarinta dalka, sida; wacyi-gelinta iyo dib u dhiska”.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran