Madaxweyne FARMAAJO oo codsi u diray shacabka

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalinta Calanka oo ku asteysan 12-ka October, wuxuuna weydiistay codsi ka dhan ah Al-Shabaab.

Farmaajo wuxuu shacabka Soomaaliyeed ka codsaday iney naf iyo maal u huraan sidii ay u tiigsan lahaayeen qaranimadooda, sidoo kalana ay safka hore uga gali lahaayeen dalalka sida nabadda ah ku nool.

“Maanta waa maalin nagu weyn, waxey ku asteysan tahay 66-sano ka hor markii la aas-aasay Calanka Soomaaliyeed oo ka turjumaya qaranimada, midnimada, gobanimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed kuwaas oo halgan dheer usoo galay sidii ay u hanan lahaayeen xornimadooda iyo maamulka dalkooda iyagoo leh calan iyo carro xor ah” ayuu yiri Farmaajo.

Sidoo kale madaxweynaha wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iney meel uga soo wada jeestaan la dagaalanka kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida, wuxuuna qabaa fikir ah in dagaalyahanada ay qatar ku yahiin dowladnimada Soomaaliya.

Si kastaba mudooyinkii ugu dambeeyay dowladdu waxey sameysay dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ay ku xaqiijineyso qaranimada isla markaana lagu baacsanayo Al-Shabaab, walina wey socdaan, sidoo kale xukuumadda hadda waxey tallaabo u qaaday wax u qabashada dadka xabsiyada shisheeye ku jira ee Soomaalida ah.