Shabaab oo weerar culus ku qaaday saldhig ay leeyihiin ciidamada dalka Itoobiya

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeriya ayaa kasoo baxeysa weerar madaafiic ah oo kooxda Al-Shabaab ku qaaday saldhiga ciidamada Itoobiya ku leeyihiin gobolka Baay, gaar ahaan degmada Qansax-dheere.

Sida dad goobjoog ah u sheegeen Caasimada Online, saldhiga ciidamada Itoobiya ayaa lagu weeraray hoobiyeyaal ka badan toddoba, kuwaas oo dhawaaqooda laga maqlayay guud ahaanba xaafadaha degmadaasi.

Madaafiicda ay ku weerartay Al-Shabaab, kadib waxa xigay kuwo kale oo ciidamada Itoobiya uga jawaabayaan, kuwaasi oo dhaliyay khasaare aan ilaa hadda la xaqiijin oo kasoo gaaray dad shacab ah.

Qaar kamid ah bulshada ku nool degmadaasi oo nala hadlay ayaa sheegay inay wajahayaan cabsi weyn, maadama ay korkooda isku dagaalayaan ciidamada Itoobiya iyo maleeshiyada Al-Shabaab.

Waxa kale oo ay walaac xoogan ka muujiyeen hoobiyeyaasha ay degmadaasi isku weydaarsadeen Al-Shabaab iyo Ciidamada Itoobiya, oo ay sheegen inay tahay mid soo noq-noqotay.

Majiro wax war ah oo ilaa hadda kasoo baxay maamulka iyo laamaha amniga ee degmada Qansax-dheere oo ku aadan weerarkaasi iyo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay.

Mana aha markii u horeysay ee kooxda Al-Shabaab ay weerar noocan ah ku qaado saldhiga ciidamada Itoobiya ku leeyihiin deegaano ka tirsan gobolka Baay, iyadoona kal hore dhowr jeer madaafiic ku garaacday.