Xisbi shaaciyey inuu dhex dhexadinayo DF iyo Shabaab + Warqad loo diray Erdogan

Muqdisho (Caasimada Online) – Xuseen Cali Cilmi waa guddoomiyaha xisbi la magac-baxay Taageerayaasha Mahdiga, waxuuna sheegay inuu u tartamayo madaxweynaha Soomaaliya ee sanadkan 2020/2021-ka.

Xuseen oo wareysi siiyey Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah, waxuuna sheegay in hadafka ugu weyn ee xisbigiisu uu yahay sidii loo heshiisiin lahaa Al-Shabaab iyo dowladda Soomaaliya.

Waxa uu sheegay inay bilaabeen sidii loo dhex-dhexaadin lahaa ururka Al-Shabaab iyo dowladda Soomaaliya, isla markaana uu fariimo u kala diray hoggaamiyaha Al-Shabaab iyo madaxweyne Farmaajo.

Warqado uu soo bandhigay guddoomiye Xuseen waxaa ku qoran xabad joojin uu ku dhawaaqay xisbigiisa oo ka bilaabaneysa 1-dii bishii hore ee Sebtember 2020, kuna eg 31-ka December 2024-ka, taas oo la dhex dhigo dowladda federaalka Soomaaliya iyo ururka Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay in dowladda iyo Al-Shabaab ay kala gaarsiiyeen warqadahaas, isla markaana uu u kala dhiibay Salaad Cali Jeelle oo la taliye u ah madaxweynaha Soomaaliya iyo nin ka tirsan Al-Shabaab oo teleefan uu kala hadlay.

Sidoo kale guddoomiyaha xisbiga Taageerayaasha Mahdiga Xuseen Cali ayaa sheegay in illaa seddax jeer uu wacay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, basle uu ku demiyey taleefanka.

“Madaxweynaha waxaan helay watsapp-kiisa gaarka ah, waxaan wacay seddax jeer isaga oo online ah, balse waa uu igu deminayey oo igama qaban” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in madaxweynaha Turkiga uu u diray warqad uu uga codsanayo inuu dhigo gogosha lagu dhex-dhexaadinayo Al-Shabaab iyo dowladda Soomaaliya.

“Waxaan madaxweynaha Turkiga u diray qoraal aan uga codsanayo inuu gogosha dhigo, qorshuhu waxa uu ahaa in shan qof oo DF ka socota iyo shan kale oo Al-Shabaab ka socota ay Turkiga isugu tagaan, si loo amba qaado heshiis dhex mara labada dhinac” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Waxa uu sheegay in sanadkii 2004-tii uu ka mid ahaa musharaxiintii u taagneyd xilka madaxweynaha Soomaaliya, sidoo kale xisbigan ayuu sheegay in la aas-aasay sanad kadib 2005-tii.

Xuseen waxa uu sidoo kale sheegay in xisbigan uusan ka diiwaan gashaneyn guddiga doorashooyink oo shahaado aqoonsi ah uusan ka heysan dowladda Soomaaliya, taas bedelkeedna aysanba u baahneyn.

Hoos ka Daawo