Maxay tahay arrinta yaabka leh ee banaanka usoo baxday kadib tallaabadii Madaale?

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib warbixin ay Caasimada Online ka qortay kormeer uu duqa magaalada Muqdisho xalay ku tegay suuqa wayn ee Bakaaraha ayaa waxaa ka dhashay falcelin la xiriirta bilicda suuqa iyo dhammaan wadooyinka muhiimka ah ee gala.

Cabdullahi Maxamed Suldaan oo kamid ah saaxibada ku xiran boggeenna Facebook oo lagu daabacay warbixintan ayaa farriin culus u diray guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), isaga oo u marsiiyay Shabakadda Wararka Caasimada Online.

Ninkan dhalinyarada ah ayaa sheegay in loo baahan yahay in guddoomiyuhu wax ka qabto qashin qubka yaalla isgoyska Bakaaraha oo muuqaal ahaan aan wanaagsaneyn.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay guddoomiyaha inuu meesha tego, isla markaana uu soo arko xaaladda adag ee ka jirto halkaasi oo muhiim u ah suuqa isku socodka dadweynaha.

“Madaale waxad u sheegtaan isgoyska Bakaaraha qashin qub ayuu isku beddelay. Hasoo eego” ayuu yiri Cabdullahi Maxamed Suldaan oo ka falcelinayay warbixinteenna.

Madaale booqashadiisa xalay kuma aadanayn bilicda Bakaaraha, laakiin ujeedka waxa uu ahaa u kuurgelida isbadalka dhinaca Amniga iyo dhaq-dhaqaaqa ganacsi ee suuqaasi ka jira xilliyada habeenkii ah, maadaama loo diyaar garoobayo munaasabadda Ciidul-Fidriga.

Intii uu ku jiray kormeerkan duqa magaalada Muqdisho wuxuu mid mid u dhageystay shacabka usoo dukaameysi tagay suuqa iyo qaar ka mid ah ganacsatada, kuwaasi oo ka warbixiyay isbadalka amni iyo kobaca ganacsi ee ka jira suuqa.

Bakaaro ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay laga dareemayay isbeddel wayn oo dhinaca amniga, waxaana horay u booqday taliyaha hay’adda NISA, Mahad Maxamed Salaad.