Maxay tahay arrinta uu Cabdikariin Guuleed sheegay in Farmaajo uu ka baqayo?

Muqdisho (Caasimada Online) – Musharrax madaxweyne, Cabdikariin Xuseen Guuleed oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa waxa uu kaga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan caqabadaha hortaagan hirgelinta doorashooyinka dalka ee 2021-ka.

Madaxweynihii hore ee Galmudug ayaa shaaca ka qaaday inay nasiib darro tahay in haatan dalka uu ku jiro xaalad hubanti la’aan, iyada oo heshiiska doorashooyinka dalka uu baarlamaanka Soomaaliya ansixiyey sanad ka hor, gaar ahaan 20-kii Septembar 2020-kii.

“Hal sano ayaa ka soo wareegatay markii 20-kii Septembar 2020-kii uu baarlamaanka federaalka meel-mariyey heshiiska doorashooyinka dadban. Sanad, kadib doorashadii waxay ku jirtaa hubanti la’aan,” ayuu yiri musharrax madaxweyne Cabdikariin Guuleed.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in is jiid-jiidka siyaasadeed iyo caqabadaha taagan uu halis ku yahay amniga iyo dhaqaalaha dalka,  isaga oo shaaciyey inuu mas’uuliyadda qaadayo Farmaajo.

“Siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha Soomaaliya waxay ku jiraan khatar. Madaxweynaha waqtigu ka dhacay ayaa mas’uul ka ah,” ayuu markale ku yiri qoraalkiisa.

Cabdikariin Xuseen Guleed ayaa sidoo kale intaasi sii raaciyey  “Farmaajo wuxuu ka baqayaa in uu doorasho galo,”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyadoo ay hakad-galeen doorashooyinka dalka, waxaana saameyn ku yeeshay khilaafka hadda u dhexeeya madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo & ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.