FARMAAJO oo ku qasban in uu soo ceshado maamulka doorashada + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Inkastoo kiiska Ikraan Tahliil Faarax uu si weyn daaha uga qaaday is-maandhaafka Farmaajo iyo Rooble, haddana waxaa la fahamsan yahay in aysan labada nin isku wacneyn muddo dhowr bilood ah, waxa ugu weyn ee la isku fahmi waayey ayaa lagu sheegay arrimaha doorashooyinka dalka ee hadda socda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la diriray Ra’iisul wasaarihiisii hore ee Xasan Cali Kheyre, isagoo ka careysan damiciisa kursi doonka ah, wuxuuna laba bilood raadinayey qof aan kusoo jeesaneyn oo aan musharax noqon doonin, haddii uu Ra’isul wasaare u magacaabo.

Rooble oo malaha qaatay heshiis noocaas ah, illaa hadda wuxuu diidan yahay inuu u tartamo xilka madaxweynaha, ballantii aheyd ha is sharaxin iyo aniga i dhis waxaa ka dambeeyey dagaaladii ka dhacay Muqdisho, waxaana awoodii doorashada cadaadis badan kadib iska wareejiyey madaxweyne Farmaajo.

Inkastoo uusan Rooble ka bixin ballantii musharaxnimada, haddana waxaa si weyn isku badalay jadwalkii u Farmaajo u qorsheystay dib u doorashadiisa.

Rooble uma muuqan waqti dheer nin raba inuu Farmaajo dakano u galo oo uu doorashada u boobo, tan iyo marki uu Rooble muujiyey inuu yahay siyaasi dhexda ka taagan loolanka doorashada, waxaa kor usoo kacday rajada dhinacyada kale.

Farmaajo marna kuma qancin doorka uu Rooble albaabada ugu wada furay tartamayaasha, waxay aheyd sunno soo jireen ah inuu mar walba madaxweynaha xilka haya gacan weyn ku yeesho sida ay doorashadu u socoto, laakiin hadda waxaan daawaneynaa mid taas ka duwan.

Rooble waxaa si aan rasmi aheyn loogu arkayey inuu daacad u yahay Farmaajo oo uu isaga dhisi doono, xittaa Farmaajo waa sii aamini karay arrintaas, laakiin wixii ka dambeeyey wada-hadaladii uu Rooble la furay Sacuudiga, Imaaraadka iyo Kenya. Farmaajo waxaa la sheegay inuu ka laab-xirtay Ra’isul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Wax walba ayaase cirka isku shareeray markii uu dilaacay kiiska Ikraan Tahliil, hadda labada nin waxay kala fogaadeen masaafo aad u dheer, si walba oo hadda loo xaliyo khilaafkooda way adag tahay in Rooble lagu qanciyo inuu Farmaajo dhiso ama inuu mar kale Farmaajo aamino inuu Rooble dhisi doono.

Taas waxa ka dhigan tahay in gorgortanka hadda jira uusan ku dhammaan karin arrinta Ikraan Tahliil, Bashiir Gooble iyo Cabdullaahi Maxamed Nuur .

Dhowr jeer ayaa Farmaajo lagu eedeeyey inuu fashiliyey wada-hadalada xal doonka ah, sababtu kaliya maahan inuu difaacayo Fahad Yaasiin ee sidoo kale wuxuu Farmaajo xoogga saarayaa inuu gacanta dib ula galo maamulka doorashada.

Waa adag tahay inuu Farmaajo aqbalo inuu banaanka ku sugo natiijada doorashada oo uu marti ka ahaado ayey leeyihiin dadka sida fiican u yaqaana hab-dhaqankiisa siyaasiga ah.

Marka la eego ahmiyadda maamulka doorashada ku fadhiyo waxaa adag inay si fudud ku dhammaato xiisadda hadda taagan.

Farmaajo uma badna inuu aqbali doono inuu galo doorasho uusan wax talo iyo awood ah ku laheyn, Rooblana way ku adag tahay inuu dib usoo celiyo maamulkii doorashada ee uu madaxweynaha ugu wareejiyey baarlamaanka hortiisa.

Sidoo kale, saamileyda kale ee siyaasadda ayaa iyagana la aamisan yahay inay ka hor imaan doonaan in mar kale la badalo hab-maamulka doorashada, waxayna ka dhigan tahay arrintaan inaan si fudud looga gudbi doonin xiisadda labada nin.

Kooxda madaxweyne Farmaajo waxay sheegayaan inay u sawiran tahay natiijo guuldaro ah, haddii ay galaan doorasho uu Rooble maamulayo, iyadoo la wada ogyahay wixii dhex maray muddooyinka lasoo dhaafay, waxayna aamisan yihiin inay khasab tahay inay miiska maamulka doorashada dib ugu soo laabtaan.