Xog: Maxaa looga hadlay kulankii xalay dhex-maray Fahad Yaasiin iyo Qoor Qoor?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa xalay kulan la yeeshay la-taliyaha amniga qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online.

Kulanka oo ka dhacay hoyga uu Qoor Qoor ka degan yahay nawaaxiga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Wasiiru Dowlaha Gaadiidka Cabdiraxmaan Dheere iyo Wasiirka Boostada Galmudug Aadan Qoryooley oo lagu tilmaamo shaqsiyaadka aadka ugu dhow ee kulamada gorgortanka siyaasadeed uu u dirsado Fahad.

Sida aan xogta ku hadalnay, Qoor Qoor iyo Fahad Yaasiin ayaa ka wada hadlay arrimaha weli taagan ee khilaafka ka dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble ee weli xalka loo la’yahay.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa xilligan loo arkaa inuu yahay garabka ugu weyn ee Villa Somalia ay heysato tan iyo markii uu bilowday khilaafka Farmaajo iyo Rooble, isaga oo horey isugu dayey inuu Rooble ku shirqoolo heshiis u daneynaya Farmaajo, balse ku fashilmay.

Waa markii labaad oo Fahad Yaasiin uu bannaanka uga soo baxo Madaxtooyada, tan iyo markii uu dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho todobaadki hore, waxaana weli amnigiisa sugaya ciidanka Waran ee NISA, taasoo ka dhigan inuu weli saameyn ku leeyahay arrimaha Nabad-Sugida oo aanu faraha kala bixin.

Wararka ayaa sheegaya in Villa Somalia ay weli aad u daneyneyso inay heshiis la gaarto Rooble, oo hadda gacanta ku dhigay maamulka dhaqaalaha iyo warbaahinta dowladda, balse dooneyso heshiis u daneynaya Farmaajo, kaasi oo la marsiin la’yahay Rooble

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa shalay si rasmi ah ula wareegay xilka la-taliyaha amniga qaranka ee dhowaan loo magacaabay, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada.