Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan soo dhaweyn ah ugu fidiyey Madaxtooyada Qaranka Hal-abuure Asad Xaajiyow, halkaasi oo lagu guddoonsiiyay Billadda Adkaysiga Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa ku dhiirri-geliyey Asad go’aanka geesinimada leh ee uu ku wajahay dhibaatada ay u geysteen argagixisada, islamarkaana uu dib ugu soo laabtay dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Asad Xaajiyow uu tusaale u yahay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee adkaysiga iyo geesinimada kaga gudbay dhibaatada iyo waxyeellada ay argagixisada u geysteen dadka Soomaaliyeed.
“Asad kuma niyad jabin weerarkii naxariis darrada ahaa ee argagixisada Al-Shabaab ay dhowr iyo toban sano ka hor isku dayeen in ay ku dilaan, kaas oo keenay in uu naafo noqdo,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.
Waxa uu intaas kusii daray “Inkastoo uu la kulmay dhaawac halis ah oo naafo ka dhigay haddana maanta waxa uu dalkiisa ku soo laabtay isagoo xambaarsan himilo iyo hiigsi ku aaddan horumarka dalkiisa iyo dadkiisa.”
Munaasabadda kaddib agaasimaha guud ee Madaxtooyada Qaranka Cabdixakiim Maxamed Yuusuf ayaa guddoonsiiyey Asad Xaajiyow Billadda Adkaysiga Soomaaliyeed.
Billadan ayaa ah abaalmarin la siinayo muwaadiniinta muujiyey geesinimo, dulqaad, iyo adeeg bulsho oo qiimo leh, sida ay sheegtay Madaxtooyada Soomaaliya.