Maxay tahay deynta lagu lahaa gobolka Banaadir ee la bixiyey 2-dii sano ee tagtay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa shaaciyey inay bixiyeen deyn badan oo lagu lahaa gobolka, taasi oo ay bixinteeda uu qeyb weyn lahaa guddoomiyaha gobolka Banaadir oo sidoo kalana ah duqa magaalada Muqdisho.

Guddoomiye ku-xigeenka maamulka gobolka Banaadir oo ka hadlay munaasib loo qabtay sanad guuradii labaad ee kasoo wareegtay markii uu Filish yimid gobolka Banaadir, ayaa sheegay in deyntaas badankeeda la bixiyey, taasi oo muddo badan ku qorneyd gobolka.

“Gobolkaan deyn badan ayaa lagu lahaa oo dhaqaale badan oo guddoomiyaha ka horeeyay oo culeys ah oo dhib ah oo meesha ugu yimid ayaa la bixiyey. Guddoomiyaha wax weyn buu ka qabtay deyn aad u weyn oo lagu lahaa gobolka, maalinba qaar buu la daala dhacayey,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in wax badan laga qabtay dhanka amaanka iyo horumarinta gobolka, tan iyo markii uu yimid guddoomiye Cumar Filish, isagoona meesha ka saaray eedeymo la xiriira fadhiidnimo oo lala xiriiriyey maamulka.

Xarunta aqalka dowladda hoose ee Xamar ayaa waxaa lagu qabtay munaasibad lagu xusaayay Sanad-guuradii 2-aad ee marka uu xilka Guddoonka Gobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisho uu la wareegay Guddoomiye Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish).

Munaasabadaan oo ay ka qeyb-galeen Marti-sharaf kala gedisan oo isugu jiray Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiil Ciidan, Madaxda Maxkamadaha Gobolka Banaadir iyo Qeybaha kala gedisan ee Bulshada, waxaana inta badan lagu soo bandhigay waxqabadka labadii sano ee lasoo dhaafay u qabsoomay Maamulka Gobolka Banaadir.