Hant-dhowrka Qaranka oo soo saaray amar 3 qodob ah oo ku socda hay’adaha DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka ayaa soo saaray amar uu ku wargalinayo hay’adaha dowladda federaalka Soomaaliya inay muddo bil ah (oo ku eg 02/10/2021) kusoo diiwaan-galiyaan dhammaan heshiisyada la xiriira dhulka iyo guryaha ee ay galeen.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka oo ujeedkiisu ahaa “Diiwaan-gelinta heshiisyada hantida la kireeyay ee dhulalka iyo guryaha dowladda”, ayaa waxa looga hortagaya wax is-daba-marin iyo in si gaar ah loogu faa’iideysto heshiisyada.

“Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka (XHGQ) waxa uu mas’uul ka yahay ilaalinta hantida ummadda iyo u hogaansanaanta sharciga si loo xaqiijiyo in hay’adaha dowladda ay hantida ummadda u maamulaan sida ugu wanaagsan, ugu beekhaansan uguna waxtarka fiican,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Xafiiska oo ka taxaddaraya in si khaldan loo maamulo ama dano gaar ah looga faa’iideysto hantida ummadda, sidoo kalana iyadoo la tixraacayo Qoddobka 43aad (2) ee Dastuurka Ku-meel-gaarka (KMG) JFS, Qodobka 1aad (1) xarafka (J) iyo Qodobka 50aad (1) Xarfaha (b & t) ee Sharciga Maareynta Maaliyadda Guud (Sharci LR.17, ee 25/12/2019) iyo Qodobka 8aad ee Sharciga Xafiiska Hantidhawrka Guud (Sharci Lr. 34 ee 14/04/1972).”

Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka ayaa hay’addaha Dowladda ku wargeliyay 3 qoddob oo la xiriira amarka diiwaan-gelinta heshiisyadaas, kuwaasi oo kala ah;

  1. Muddo hal bil gudaheeda ah oo ku eg 02/10/2021 lagu soo diiwaan-geliyo dhamaan heshiisyada la xiriira maamulka hantida ummadda, gaar ahaan dhulalka iyo guryaha.
  2. In dhamaan hay’addaha Dowladda ay arrinkan u qaataan in lagu saxayo nidaamka Dowliga ah sidoo kalana lagu ilaaliyo hantida umadda.
  3. In dhamaan ganacsatada iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee heshiisyada dhulalka iyo guryaha la xiriira la galay hay’adaha Dowladda ay hay’adaha ka dalbadaan in ay ka wadaagaan/siiyaan nuqullada heshiisyada ka diiwaan-gashan Xafiiska Hantidhawrka Guud si hawsha dhex-maray muwaadinka/qofka iyo hay’ada ay u noqoto mid xalaal ah oo waafaqsan sharciga.

“Xafiiska Hantidhawrka waxaa uu hay’adaha Dowladda kula talinayaa in ay u hogaansamaan dhamaan shuruucda dalka, sidoo kalana ay heshiisyada ku soo diiwaan-geliyaan muddada sare ku cayiman, iyadoo howl-wadeenada iyo mas’uuliyiinta hay’adaha ay imaan karaan.”

Ugu dambeyntiina waxa uu Xafiiska Hantidhawrka shaaciyey in sharci-darro loo aqoonsan doono heshiisyada aan laga soo diiwaan-gelin xafiiska, maadama uu baaris ku sameyn, islamarkaana uu ka qaadi doono tallaabada sharciga ee ku haboon.

Si kastaba, arrintaan ayaa imaneysa xili uu dhawaan buuq badan ka dhashay heshiis lagu bixiyey dhul kamid ah Tiyaatarka Qaranka, kaasi oo loo maray sifo sharci darro, sida uu hore u shaaciyey Xafiiska Hantidhawrka.