Maxay tahay sababta ay DF uga noqotay go’aankii ay xiriirka ugu jartay Kenya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta shaacisay inay dib u soo celisay xiriirkii diblomaasiyadeed ee dowladda Kenya, oo go’aan tan bishii December ee sanadkii 2020, xilligaas oo dowladda Soomaaliya ay si toos ah dhammaan cilaaqaadkii kala dhaxeeyey ugu jartay Kenya.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo shir jaraa’id Muqdisho ku qabtay waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay dib usoo celisay xiriirkii kala dhaxeeyey dowladda Kenya, isagoo sharaxaad kooban ka bixiyey sababta.

“Laba dowladood waxay ku heshiiyeen in la ilaaliyo xiriirka saaxiibtinimo ee labada dal, iyadoo lagu saleynayo mabaadii’ida is ixtiraamka iyo madax-banaanida dhuleed, faro-galin la’aanta arrimaha gudaha ee labada dhinac, sinaanta wax wada qabsiga iyo nabad ku wada noolaanshaha” ayuu yiri Al-Cadaala.

Dad badan ayaa isweydiinaya sababta ay dowladda Soomaaliya dib uga noqotay tallaabada ay horay xiriirka diblomaasiyadeed ugu jartay dowladda dariska la ah ee Kenya.

War-saxaafadeedkii uu akhriyey kadib weriyaashii ku sugnaa goobta ayaa wasiirka weydiiyey su’aalo ku saabsan waxa iska bedelay eedeymihii ay dowladda Soomaaliya horay ugu jeedisay Kenya, isla markaana ay u cuskatay inay u jarto xiriirka.

Isagoo ka jawaabayey ayuu yiri, “Arrintan markii horeba ma ahayn dookh iska yimid, waa la ogyahay duriifihii keenay in Soomaaliya ay joojiso xiriirkii diblomaasiyadeed ee Kenya ay la lahayd. dowladdu waxay arrintan ku baddalatay markii la xaqiijiyay in la joojiyay, la iskuna afgartay in la joojiyo dhammaan ficilladii iyo arrimihii keenay in dowladda Soomaaliya ay joojiso cilaaqaadka ay la lahayd Kenya.”

Al-Cadaala waxuu intaas ku sii daray, “Mar hadii dhibaatooyinkii jiray ay meesha ka baxeen, sida ku qoran war-murtiyeedkana la isku afgartay in la is ixtiraamo, daris wanaag lagu wada noolaado, danaha labada wadanna laga wada shaqeeyo, sidaas ayuu ku yimid go’aankan.”

Sidoo kale Wasiir Al-Cadaala waxa uu qiray in Amiirka dalka Qadar, Sheekh Tamiim Bin Hamad Al-Thani uu dadaal ka geystay in ay heshiiyaan dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Bogga Twitter-ka ee madaxtooyada Kenya ayaa maanta lasoo dhigay sawirro muujinaya in Amiirka Qatar uu booqday Kenya, uuna la kulmay madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya maanta waxa uu sheegay in go’aanka ay dowladda Soomaaliya ay dib ugu soo celisay xiriirka Kenya uusan wax saameyn ah ku yeelaneynin arrinta kiiska badda ee yaalla maxkamadda ICJ.

15-kii bishii December ee 2020 ayay ahayd markii Soomaaliya ay si caro leh u joojisay cilaaqaadkii kala dhaxeysay Kenya, waxaana dhammaan diblomaasiyiintii reer Kenya lagu amray inay Soomaaliya uga baxaan todoba cisho, halka diblomaasiyiintii Soomaaliya ka joogay Nairobi xilligaas lagu war-geliyey in deg deg ugu soo noqdaan dalka.

Intaas kadib waxaa guul dareystay dadaallo uu urur goboleedka IGAD ku doonayey in khilaafka labada dal meesha looga saaro, dhawaanahaana ma dhicin kulamo fool ka fool ah oo dhex maray madaxda labada dal, hase yeeshee waxaa la aaminsan yahay in dib u soo noqoshada xiriirka labada dal ay si buuxda dowladda Qatar uga soo shaqeysay.