Sawirro: Ciidanka Badbaado Qaran oo laga saaray goobihii ay qabsadeen ee Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Badbaado Qaran ayaa billaabay inay ka baxaan qeybo ka mid ah degmooyinka Holwadaag, Hodan, Cabdicasiis iyo Kaaraan, oo ay ku sugnaayeen laba toddobaad kadib markii ay usoo galaan inay ka hortagaan muddo kororsigii sharci-darrada ahee ee baarlamanka uu sameeyey.

Ra’iisiul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa korneeray furista qaar ka mid ah jidadkii u xirnaa ciidankan, taasi oo qeyb ka ah hirgelinta heshiiskii xalka looga gaaray qalalaasihii ka dhacay caasimadda.

Rooble ayaa sheegay in galabta uu si rasmi ah u bilowday qorshaha Ciidamada looga saarayo xaafadaha, dhufeysyadii yaallayna looga qaadayo, gaar ahaan aagaga Mirinaayo, Siigaale illaa Xaafada Barmuuda. Waxa uu intaas ku daray in amniga caasimadda lagu wareejiyay ciidanka booliska,

Qaadistan ciidankan ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay qaar ka mid ah xildhibaanada Madasha Badbaado Qaran.

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah xildhibaanadaas ayaa yiri “Waxaan galabta si wadajir ah uga qaadnay isgoosyada Dabka iyo Mirinaayo difaacyadii Ciidamada Badbaado Qaran waxaanan amniga goobahaas ku wareejinay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.“

Qaadista ciidankan ayaa ku timid heshiis shalay lagu gaaray Muqdisho oo dhigayey in dhamaan Ciidamadii ku yimid xiisadaha ka dhacay magaalada Muqdisho dib loogu celiyo goobihii ay ka yimaadeen loogana saaro magaalada muddo 48 saac ah oo ka bilaabanaysa 05-05-2021.

Waxaa sidoo kale heshiiska ku jiray in xuquuqda ciidamadaas sida: Mushaarka, Darajooyinka iyo Xilalka wax saamayn ah ku yeelanin qalalaasihii ka dhacay magaalada Muqdisho loona raacan karin wax ku saabsan dhacdadaas.