Maxay tahay sababta loo kordhiyey lacagta laga qaado dadka ka dhoofa garoonka Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) –  Mareeyaha Garoonka Aadan Cadde ayaa ku dhawaaqay inay sare u qaadeen lacagtii laga qaadi jiray dadka ka dhoofo garoonka diyaarahada isagoo ka dhawaajiyey in lacagtaas siyaasada ah la siin doono dadka ku nool Gobolada ay abaarta ku dhufatay.

Mudane Cabdi Ashkir ayaa Sheegay in dadka ka dhoofayo Garoonka Aadan Cadde una Socdaalaya Goballada Dalka Laga Qaadayo Lacag Dhan $5, Halka Dadka u safraya wadamada dibadda   laga Qaadayo Lacag Dhan $10 iyadoo qofka lo jari doono boono ka socoto wasaaradda   Maaliyadda.

Lacag kordhintaan ayaa lagu sheegay inay tahay Kumeel gaar oo ay socon doonto ilaa 3 bil go’aankaasna lagu gaaray kulan ay yeesheen wasiirada Dowladda Soomaaliya oo uu shir gudoominayey  ra’isul wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid.

Go’aanka ayaa sida Qorshuhu ahaa dhaqangalayay Maanta oo Arbaco, hase yeeshee Maamulka Garoonka ayaa Qaatay Go’aan kale oo dadweynaha lagu Ogeysiinayo waxyaabaha soo Kordhay kadib markii maanta uu caqabad ku noqday dadka ka dhoofayay garoonka, balse maanta la isla gartay in Fulinta Go’aanka la gaarsiiyo illaa Maalinta Jimcaha si dadweynhu ay ugu soo talagalaan.

Ugu Dambeyntii Maareeyaha Goroonka Aadan Cadde ayaa ka codsaday Muwaadiniinta Soomaaliyeed inay bixiyaan lacagaha lagu soo kordhiyay si loogu Caawiyo Walaalahooda Soomaliyeed Ee Abaartu ku dhufatay.

Caasimadda Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com