Xudeyda (Caasimadda Online) – Sida laga war qabay dhawaan ayey aheyd markii Ciidamo ka tirsan kuwa ku duulay Yeman ay xasuuq u geysteen Qaxooti Soomaaliyeed oo saarnaa doon.
Haddaba waxaa lasoo sheegayaa inaan weli dadkaas la aasin, sida uu xaqiijiyey qunsulka Safaarada Soomaaliya ee dalka Yeman Axmed Cabdi Xasan Suudaani.
Qunsulka ayaa ka dhawaajiyey in dadkii lagu xasuuqay 17-kii March gantaalo lagu dhuftay dalka Yeman la aasin, waxayna dadkaas saarnaayeen dooni ay rabeen inay ku tagaan Suudaan.
Suudaani ayaa ku micnaayey sababta aan weli loo aasin 31 ruux ee halkaas ku geeriyootay, inay tahay eheladooda oo la aqoon waayey, sidaasna ay ku go,aasadeen inay ku ridaan talaagado inta laga helayo eheladooda ama dad yaqaan.
Qunsulka ayaa sidoo kale saxaafadda u sheegay in dhaawacyadii falkaas ka dhashay oo gaarayey ilaa 17 ruux ay yaalaan isbitaal ku yaal Yeman xilli Xaaladooda caafimaad aad looga deerinayo loona baahan yahay in lasoo gaarsiiyo gargaar bini,aadanimo oo deg deg ah.
Sidoo kale qunsulka ayaa ka dhawaajiyey arrin murugo leh oo ku aadan in dadkii ka badbaaday xasuuqaaa ay dhibaato ku heysato xabsi ku yaal Magaalada Xudeyda oo ah halkii uu falkaas ka dhacay.
Ugu dambeyntii Qunsulka ayaanan ka hadlin natiijada kasoo baxday baaritaan lagu sameeyey meydadkaas, si loo ogaado cidda sida rasmiga ah falkaas ku kacday, maadaama ay dowladda Sacuudiga iyo xulafadeeda ay ka dhawaajiyeen inaysan wax lug ah ku laheyn arrintaas.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]