Maxay tahay sababta keentay in Mugabe la geeyo Isbitaal ku yaalla Singapore?

singapore (Caasimadda Online) –  Madaxweynihii hore ee Zimbabwe Robert Mugabe oo bishii tagtay Xilka Dalkaasi wareegay kadib markii Militariga dalkiisa ay la wareegeen awoodda Zimbabwe ayaa maanta oo Jimco ah la geeyey Isbitaal ku yaalla Wadanka Singapore si uu u hubiyo Xaaladiisa Caafimaad.

93-jirkaan ayaa talada Zimbabwe haye 37-sano, waxaana soo afjarmida sii heynta Xilka ay timid kamid markii uu xilka ka qaaday Madaxweyne ku xigeenkiisii oo hadda ah Madaxweynaha Zimbabwe, waxayna sababtay in Militariga uu fara gelin sameeyo iyagoona la wareegay awoodda Maamulka.

Mugabe loogama Baran in uu Xirto Shaar Cad, waxaana Sawirkaan laga qaaday xilli uu xirnaa Shaar cad isagoo ku sugan gudaha Isbitaalka, sidoo kalane xiran Surwaal Madoow waxaana Garbihiisa socday 8-qofood sida ay sheegeen Suxufiyiin katirsan Wakaaladda Wararka ee AFP.

Safarkiisa ugu weyn ee Dalka Singapore ayaa ahaa hubinta Xaaladiisa Caafimaad maadaama uu horay u xanuunsanaye, ayna ugu darsoontay Wal-Walka la xiriira Culeyskii Siyaasadeed ee soo wajahay Kolkii Militariga ay Go’doomiyeen.

Warbaahinta ayaa hadal heysa in aanan dib ugu laaban doonin Mugabe dalkiisa, waxa uuna ahaa Madaxweyne dhaleeceeya Madaxda Reer Galbeedka, isagoona u doodi jiray Dadka afrikaanka ah ee la heeb sooca.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com