Odoyaaal iyo Xildhibaano Cadaado ku Kulmay oo kasoo horjeystay heshiiskii Galmudug iyo Ahlu Sunna.

Cadaado (Caasimadda Online) – Odoyaasha iyo Xildhibaanada Galmudug ee Deegaan ahaan kasoo jeeda Magaalada Cadaado ayaa kulan ay ku yeesheen Magaaladaasi waxa ay kaga soo horjeesteen Heshiisyadii Galmudug iyo Ahlu Sunna ay ku kala gaareen Magaalooyinka Jabuuti iyo Muqdisho.

Xildhibaanada Galmudug deegaan ahaan kasoo galay kana soo Jeeda Magaalada Cadaado ee Warqadda ku Saxiixan waxaa kamid ah:-

Xildhibaan Mahad Cali Cilmi.

Xildhibaan Cabdi Xasan Cili.

Xildhibaan Maryan Cali Abtidoon.

Xildhibaan Maxamed Xasan Xuseen.

Xildhibaan Xasan Cabdullaahi Maxamed.

Xildhibaan Cabdullaahi Cumar Maxamuud.

Iyo Xildhibaan Cabdullaahi Faarax Jimcaale.

Odoyaasha Goobta ka hadlay ayaa waxba kama jiraan ku sheegay Hadalkii Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf uu ku sheegay in heshiiska Galmudug iyo Ahlu Sunna beelaha dega Deegaanada Maamulkaasi ay isku raacsan yihiin.

Waxa ayna ku tilmaameen in ay ku raacsan yihiin Hadalka Xildhibaanada ku matala Maamulka ay ku sheegeen in heshiiskaasi uu yahay mid kahor imaanaya Dastuurka Galmudug.

Maamulada Galmudug iyo Ahlu Sunna ayaa heshiisyo hordhac ah ku kala saxiixday Magaalooyinka Jabuuti iyo Muqdisho, waxaana lagu ballamay heshiis guud oo ka dhacaya Magaalada Dhuusamareeb oo ah Caasimadda Galmudug.

Halkaan hoose ka akhriso War murtiyeedka kasoo baxay