Sawirro argagax leh: Haweeney canugeeda nolosha ku aastay kadib Jaceyl ay u qaaday nin Hantiile ah

Muqdisho (Caasimada Online)-Inkastoo dunidan ay ka dhacaan dhacdooyin kala duwan hadana waxaa jira dhacdo aad u xanuunbadan oo soo jiidatay dunida oo idil.

Dhacdadan ayaa waxaa sameeyay Haweeney Afrikaan ah oo iyadu nolosha ku aastay Canug yar oo ay dhasho si ay u guursato Nin ay muddo naawileysay isla markaana hantiile ah.

Haweeneydan ayaa waxaa ku adkaatay inay guursato ninkaas taajirka ah maadaama ay waday canugan yar oo ay usoo dhashay nin horay u qabay oo ay kala tageen.

Ninkaan ayaa Haweeneyda ku khasbay in is guursigooda uu yahay mid ku xiran inay disho canugeedan ay markii danbe aastay.

Sameynta ficilka kadib waxaa nasiib daro noqotay in ninkaan Hantiilaha ah uu diiday Haweeneyda kadib markii ay si sahlan ku dishay canugeeda, waxa uuna sababta diidmada ku sheegay in si lamid ah ay u dili doonto carruurta ay u dhasho.

Haweeneydan ayaa weyday canugeeda iyo ninkii ay daraadii u dishay, waxa ayna tani noqoneysaa dhacdo xanuunbadan oo soo jiitay indhaha caalamka.