Maxay tahay sababta loo xiray xafiiskii VISA-ha Turkey ee Muqdisho (MZ VISA)?

Muqdisho ( Caasimadda Online) – Xafiiskii VISA-ha Turkey ee Muqdisho (MZ VISA) ayaa gebi ahaanba la xiray maanta sababo la xiriiro khilaaf ka dhashay shaqaale ka yimid magaalada Hargeyso oo halkaas la geeyey.

Sida ay ogaatay  Caasimada Online, sababta loo xiray xafiiska ayaa ah kadib markii mas’uul ka tirsan safaaradda Turkiga qeybta Hargeysa uu xafiiskaas keensaday shaqaale tiro badan taasina ay keentay inay ka horyimaadaan maamulka shirkadda MZ VISA ee xafiiska Muqdisho.

Mas’uulka ka tirsan Safaaradda Turkiga qeybta Hargeysa oo hadda ku sugan magaalada Muqdisho ayaa raba inuu xafiiskan ku wareejiyo shaqsiyaad kale oo ka tirsan Xafiiska MZ VISA ee Hargeysa ee caasimadda Maamulka Somaliland.

MZ VISA ayaa ah shirkad si gaar ah loo leeyahay, waxaana iska leh nin u dhashay dalka Turkiga oo qandaraas ka haysta safaaradda Turkiga ee Muqdisho, waxaana tan iyo markii shirkaddaan la sameeyey la joojiyey dadkii sida toos ah u tagi jiray Safaaradda.

Xafiiska VISA-ha Turkey ee Muqdisho ayaa ahaa xafiis ay codsiyadooda geystaan dadka doonaya inay helaan fiisooyinka Turkiga qeybihiisa kala duwan, waxaana hadda xayiran shaqadaas kadib qalalaaso iyo fooda ka dhacday habka shaqada ee Xafiiskaas.

Xirnaanshaha Xafiiska ayaa saameyn ku yeeshay dad badan oo doonayey inay codsiyo geystaan MZ VISA kuwaas oo ay ku jiraan kuwa xanuunsan oo ku jiro xaalado deg deg ah.

Safaaradda Turkiga ee Muqdisho weli kama aysan hadlin isku dhaca ka jira Xafiiska loo soo marin jiray codsiyada Viisooyinka, waxayna xogta aan heleyno sheegeysaa inuu kulan u socdo sii hayaha xilka Ra’isulwasaraha Soomaaliya Mahdi Guuleed oo kasoo jeedo Hargeysa iyo Safiirka Turkiga ee Muqdisho Mehmet Yılmaz.