Maxay tahay SHAQADA GUDDIGA cusub ee Cali Guudlaawe uu magacaabay?

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha HirShabelle Cali Cabdullahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa magacaabay Gudiga Gurmadka qaraxii xooganaa ee Axaddii ka dhacay magaalada Jowhar, kadib kormeer u kuur-gal ah oo ku tagay goobta uu ka dhacay qaraxa iyo xaafadaha u dhow.

Guddigaan oo ka kooban Howl-wadeennada Madaxtooyada iyo Wasiiro ayaa waxaa horkacaya Madaxweyne ku-xigeenka HirShabelle, waxayna qiimeyn ku sameyn doonaan qaraxii Axaddii.

Sidoo kale waxa uu guddigaan ka shaqeyn doonaa diiwaan-galinta dadkii ku waxyeeloobay iyo tirada qasaaraha uu geystay qaraxaas oo ahaa mid aad u xoogan.

Xubnaha guddiga oo ka kooban 12 Qof ayaa la filayaa in maalmaha soo socda ay soo bandhigaan khasaaraha dhimasho, midka dhaawac iyo midka hantiyadeed ee ka dhashay qaraxa.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxii ka dhacay magaalada Jowhar ee caasimadda maamulka HirShabelle, waxayna sheegeen in qaraxaas ay la beegsadeen goob ay ku sugnaayeen mas’uuliyin ka tirsan maamulka.

Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle Cali Guudlaawe oo xalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Jowhar ayaa sheegay in seddax qof meydadkooda laga soo saaray guryo ku dumay hoostooda, halka todoba qof oo kale ay ku dhaawacmeen.

Seddaxda qof oo geeriyootay ayuu sheegay Madaxweynuhu inay kala ahaayeen hal askari iyo labo qof oo shacab ah.

Sidoo kale wuxuu sheegay in qaraxaas uu geystay burbur baaxad leh oo soo gaaray dhismayaasha Hotelkii lala beegsaday iyo dhammaan guryaha ku xeeran oo dad shacab ah ay deganaayeen.

Madaxweynaha ayaa kooxdii fulisay qaraxaan ee Al-Shabaab ku tilmaamay musiibo hor taagan nolosha iyo hormarka dadka Soomaaliyeed, isagoo ku baaqay in meel looga soo wada jeesto oo lasoo afjaro, si looga baaqsado khasaaraha ay joogtada u geysanayaan.