Maxay tahay siyaasadda Damul jadiid kadib dharbaaxadii ay kala kulmeyn doorashada?

Ururka Damul-jadiid wuxuu dalka maamulayey muddo 4 sano ah wuxuuna noqday ururkii ugu awood badnaa ee soo maray dalka Soomaaliya.

Haddaba waxa la ogyahay inay guuldaro weyn kasoo gaartay doorashadii dhawaan ka dhacday Soomaaliya markaas oo dhulka lagu jiiday madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ciyaar kusoo dhamaatay natiijo xad dhaaf ah.

Haddaba Damul Jadiid Hoggaanka waa lagala wareegay waxayna maalinta Khamiista ah faarujin doonaan madaxtooyada Soomaaliya oo ay taliska u hayeen muddo Afar sano, waxaa la is waydiinayaa halkee ka geli doonaan siyaasadda soomaaliya?

Sida looga guuleystay iyo ololihii ay Sameeyeen

Niyadjabka ugu weyn ee ururkaan ku dhacay ayaa ah markii ay doorashadii dhawaan looga guuleystay uga qasaartay adduun lacageed oo aan la qori karin, maadaama ay markii horana xildhibaanada kusoo saareen lacag badan markii dambe ay Xildhibaano ka iibsadeen codadkooda.

Intii ay socotay ololaha doorashadaan waxaa magaalada Muqdisho kasoo if baxay magac cusub oo ay sameeyeen xildhibaanada kaasoo ahaa (ka Cuntey kana Codeey) oo ay ula jeedeen Xasan Lacagta halaga qaado codkana halaga leexiyo.

Xildhibaanada ayaana ka dhabeeyey go’aankaas iyagoo lacag badan ka qaatay Xasan iyo kooxdiisa codkana waxay ugu Shubeyn Farmajo Marka laga reebo qaarkii Xasan codka siiyey oo isaga daacad u ahaa.

Ururkaan ayaa sameeyey dadaal aad u badan intii ay socotay ololihii loogu jiray doorashadii dhawaan ka dhacday dalka waxaana lagu xantaa inay iyaga soo xuleyn qaar badan oo kamid ah xildhibaanada dowladda cusub ee Soomaaliya weliba si musuq maasuq ku jiro.

Ururkaan ayaa la rumeysan yahay inay gacantooda isku dileyn markii ay iyaga si xoog iyo isdabamarin ah usoo saareyn qaar badan oo ka tirsan xildhibaanada kasoo kala jeedo maamulada Galmudug, Hirshabelle iyo Woqooyiga kuwaas oo markii dambe noqday sababtii ugu weyneyd ee xilka looga tuuray Xasan shiikh Maxamuud markii ay ololo ballaaran kuwaasoo qaadeen intii ugu magaca weyneyd Xildhibanaadaas.

Lacagta ururkaan uga baxday Doorashada

Ururkaan ayaa wuxuu sameeyey dadaal kasta oo ay dib ugu soo laaban karaan xilka Soomaaliya weliba inta badan waxay wax ku xallin jireen lacag taasoo keentay inay doorashada uga baxdo Malaayiin Dollar inkastoo aan tirada dhabta ah la ogaan.

Waxaa tusaale kuugu filan midaas in qaar badan oo xildhibaano ah ay sheegeen inuu Xasan lacag siiyey ku dhawaad 180 Xildhibaan iyadoo xildhibaan kasta uu qaatay 50 Kun oo Dollar, waana lacag aad u badan.

Awoodda Ururkaan

Ururka Damul Jadiid waa urur leh awood iyo siyaasiyiin ku fiican ololeynta inkastoo markaan dhinacooda dhulka la dhigay, waxayna magaalada Muqdisho ka sameeyeen olol badan doorashadii hore oo ay kaga guuleysteen Shiikh Shariif iyo tan hadda ay khasaarada kala kulmeyn.

Lacagta Ay Leeyihiin

Damu Jadiid waxaa hubaal ah inay heystaan hanti badan oo ay aruursadeen intii ay hayeen taliska Soomaaliya sidoo kalana ganacsiyo waaweyn ayey ka sameysteen Xamar waana arrintan kaliya oo ay uga horeeyeen ururada siyaasadda soo maray.

Tijaabada Awoodooda:

Waxa ugu horeeyo oo ay qaban doonaan waa inay Libaaxa afkiisa kasoo bixiyaan Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ay ku kacsan yihiin siyaasyiin ay isku beel yihiin iyo inta badan xubnaha baarlamaanka Galmudug.

Haddii ay ku guuleystaan inay Cabdikariin Xuseen Guuleed u badbaadiyaan xilkiisa waxaa xaqiiq ah inay ururkaan weli leeyihiin awood culus oo ay dalka wax uga badali karaan, waxaana Guuleed lagu tiriyaa inuu yahay halka Hoggaamiye ee daacadda u ah Ururkaan.

Qorshaha Mustaqbalka ururkaan Guuldaradii Doorashada kadib

Warar aan ka heleyno illo wareedyo ku dhaw dhaw ururkaan ayaa sheegayo inay wacad ku mareyn sidii ay u soo laaban lahaayeen afar sano kadib waxayna isla xilligaan bilaabi doonaan olole cusub oo ay ugu horeeyso inay isku keenaan ardayd farabadan oo ka tirsan jaamcadaha muqdisho.

Macquul ma tahay inay markale kursiga kusoo laabtaan?

Waxaa la is weydiinayaa sida ay ururkaan ugu suurta geli karto in dib loogu soo doorto xukunka dalka markii la gaaro sanadka 2020 oo la qorsheenayo inay soomaaliya ka dhacdo qof iyo cod maadaama ay jiraan Soomaali badan oo ku qanci waayey intii ay majaraha u hayeen Soomaaliya.

Sababta ugu weyn oo ay dadka ugu qanci waayeen maamulkooda waxa ay aheyd wadanka oo noqday abaar iyadoo lagu eedeeyey inay dowladda hakisay dhaqaaqii lacagaha soo geli jiray wadanka iyo keydinta midda taalo waana sababta aysan codka shacabka u heli doonin markii la gaaro doorashadaas.

Saameynta ay ku yeelan karaan baarlamaanka cusub

Dadka falanqeeyo siyaasadda ayaa kuu sheegayo in haddii ururkaan uu sii adkeysto xubnaha uu ku leeyahay baarlamaanka Soomaaliya kuwaasoo gaarayo ku dhawaad 100 cod sida laga dheehan karay codeyntii doorashada ay weli siyaasadda dalka wax ka badali karaan.

Waxa ugu badan oo ay sameyn karaan waa inay mooshino ka keenaan madaxweynaha, sidoo kale ay diidaan Ra’isuwasaaraha lasoo magacaabo iyo golaha wasiirada taasoo dib u dhac ku keeni karto dhaqdhaqaaqa madaxweynaha taas badalkeeda iyagana waxaa looga baahan doonaa inay helaan Xildhibaano kale si ay u buuxiyaan kooramka.

Faaladii Caasimada Online