Soomaalida iyo guul-darradii ku dhacday Xasan Sheekh

Qof kasta waa u baahan tahay in wax loo sheego heer kasta ay darajadiisu gaarto. Wax isu sheegidu ma ahan caay ama ceeb ama quursi midna, waxaana wax loo sheegaa qofka aad jeceshahay inay waddada toosan cagta saarto, wixi dadka badankiisa la wanaagsanna ay ku dhaqanto, wixi loo sheegana ay ka qaadato inti ka anfacda…marna qasab ma ahan in wixi laguu sheego aad duuduub u qaadato ama adiga oon miisaamin ama falanqeyn aad iska qaadato.

Waxaa jira adkaar aan filaayo in la wada yaqaano oo la akhriyo salaadaha kaddib taasoo ah أللهم لاما نع لما أعطيت ولامعطى لما منعت ولاراد لما قضيت

Oo micnaheedu yahay ILAAHOW WIXI AAD JOOJISO CIDNA MA BIXIN KARTO WAXAAD BIXISANA CIDNA MA JOOJI KARTO WAXAAD FULISANA CIDNA MA CELI KARTO.

Haddaba, waxaa laga yabaa in guuldarada kaa soo gaartay Xasanow doorashadi ay kheyr kuu tahay…waana inaad u aragtaa inay khayr kuu tahay aadna ku qanacdaa inuu Ilaahey kuu dooray inaad jagadaas ka degto..adoo xasuusanaya aayadi ku jirtay suuratul Baqara ee ahayd waxaa dhici karta wax aad shareysaneyso ay kheyr kuu yihiin waxaad kheyr u aragtana ay shar kuu yihiin…tegida aad ka taktay jagadaas laga yaabee inay kheyr kuu tahay ee duceyso oo Ilaahey wediiso inuu wax ka kheyr badan kuugu beddelo…mar dambana uusan Ilaahey xil kuugu dhiibin ummaddaan oo ah mid adduunka oo dhan uu la yaaban yahay shucuurtooda iyo mustawaha aqooneed iyo dadnimo meesha aan ka taganahay. Weli lama sameyn cilmi baaris u gaara hab-dhaqankeena iyo habka wada noolaashada ee u gaara ummad waliba…Isbedeelka ku dhacay hab-dhaqankeena wixi ka dambeeyay kacaankii waa mid is beddelay oo dadki isku dayay inay wax ka gartaan dhaqanka aanu leenahay ay ku fashilmeen, waayoo waxaan nahay ummad ka indha la’ wax aan wadaagno oo muqaddas noo ah dad ahaan iyo waxa naga dhexeeya oo la garan waayay kaddib marki la waayay isxurmeyn iyo is-qaddirin ka dhexedysa dadka Somaaliyeed.

Waxyaabaha lala fajaco waxaa ka mid ah inaan nahay ummada wada siyaasiyiin ah oo xataa midki aan magaciisa oo sax ah qori karin uu siyaasadda ka faalloonaayo. Waxaan nahay ummad iyadoon waxba aqoon haddana isla fiican waayoo aqoonta ayaa qofka hogaamisa, umadina ay ku hormartaa.. laakin annaga waxaan nahay umad qalbiga indhoole ka ah, oo aan marna ismaqal..ma aqoonsanin qofkeena caalimka ah ama cabqariga ah ama keena fikrado fiicaan oo loo aayo..mid waliba wuxuu maqlaa ra’ayiga qoladiisa iyadoon khalad iyo sax aysan noo kala soocneyn.

Intaasu waa qiimeyn gaaban oo aan ku sameynay hab-dhaqanka umaddaan…waxaa jirtay sheeko ninbaa dibi geesa weyn soo hujuumay markaasuu geesaha ka qabtay oo iska celiyay, markuu muddo sidaas u haayay ayaa waxaa soo maray meesha nin socdaal ah markaasuu yiri ” walaalow xoogaa geesha iiga qabo intaan hoos-guntiga ka xirahaayo..” Ninkii geesihi pw ka qabtay dibigii midkii kalana markuu dhammeystay guntashadi ow meeshi ka dhaqaaqay,markasuu wacay ” war kalay iga qabso dibigaan”..markaasuu yiri ”waxaan ku arkay adna ku arki doontid, cidna kuugu tegi meyso ee waa adiga iyo tabtaada

Arrinteena maanta halkaas ayey mareysaa..geesihi dibiga Xasanow waa lagaa qabtay, waxaad ku aragtay Farmaajana ku arki doonyee. Jagadaani waa mid dheef iyo dhib badan wadata, dhibkeeda looma jeedo lamana dareemo waayoo martabada iyo maqaamka ay leedahay ayaa aad u sarreya oo ah mid ay qof kasta raadineyso si ay ku gaarto.

Magaci iyo martabadi ay jagadaanu lahayd waxaa isku fuuqsaday markii gobolladi dalka ay geddigood naqdeen Madaxweynayaal u dhigma kii dalka, waana meesha ay arrintu ka murugsan tahay, jagadiina naqatay mid suuqyada lagu kala gato oon wax qaiime ah lahayn..waana tan ka dhigtay inuu ruux waliba haweysto midki mudan iyo midki aan mudneyn. Madaxweyne Xasan Sheikh sidaas ku sabar oo u arag inaad taariikhda baal fiicaan ka gashay taasoo uu waqtigu ka marag kici doono goorti garaadkeenu kobco oo la wada dareemo in dalkaan aan wada leenahay haddana la kala leeyahay, mana jirto qolo gobolkeeda lala leeyahay oo dadka ka wada dhexeeya, waxaana fiicnaan lahayd in la iska illaabo fikradda ku saleysan keygana aniga kaliyahaa leh kaagana kula lihi!!!

W/Q: Axmad Calasow

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com