Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay sheegtay inay qabaneyso shirweyne looga hadlayo midnimada qaranka Soomaaliya.
Ra’iisul wasaaraha dalka Cabdi Sheikh Axmed Maxamed, ayaa ku dhawaaqay inay wadaan qorshe la doonayo in mardhow shir Midnimo qaran ah lagu qabto magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in la doonayo in shirkaasi lagu soo celiyo midnimada ummada Soomaaliya iyo nidaamkii uu laha dalka Soomaliya, iyadoo laga duulayo maalmaha iminka lagu gudo jiro ee maalmaha xoriyada dalka.
“Waxaan ku dhawaaqayaa anigoo ka fa’ideysanaya fursadaan inaan qabaneyno shirweyne looga hadlayo Midnimada ummada Soomaliyeed, midnimada aan dooneyno waxay tahay Soomaaliya oo amaan ah, Soomaaliya oo Dimuqradi iyo Federaal ah, Shirkasina Muqdisho ayaa lagu qabanayaa”sidaasi ayuu yiri R/w Cabdi Welli SHeikh Axmed.
Hadalkaan ayuu ka jeediyay xafladii lagu xusayay munaasabada 1 Luulyo oo xalay lagu qabtay xarunta iskool Baluuziyo ee magaalada Muqdisho oo uu goob joog ka ahaa wakiilka gaarka ee QM u qaabilsan Soomaaliya.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa looga hadlay shirweyne qaran oo looga hadlayay garsoorka dalka iyo caafimaadka, iyadoo aan la heynin cadeymo muujinayo waxyabihii laga faa’idey shirarkaasi.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho