Maxay tahay warbixinta ka careysiisay SHACABKA Sucuudiga ee ku saabsan Sheekh Naasirudiin Albani?

Shacabka dalka Sucuudiga ayaa si carro leh uga fal celiyey warbixin ku saabsan koox argagixo ah oo laga sii daayey telefishinka Al Ekhbariyaka dib markii warbixintaas ay salka la gashay magaca Allaha u Naxariistee Muhammad Nasiruddin al-Albani oo caan ka ah dalka Sucuudi Carabiya.

Sida lagu sheegay warbixintaan uu sii daayey taleefashinka Al Ekhbariya ee uu fadhigiisu yahay magaalada Riyadh, Sheekh Nasir Al Din Al Baniwaa aasaasihii kooxda argagixisada ah ee Alhul Xadith, kooxdaas oo sii dhashay kooxo kale oo badan oo argagixiso ah.

Warbixinta Al Ekhbariya TV ayaa lagu qoray: “Sheekh Naasiru-Diin Albany ayaa sameeyay kooxda Alhul Xadith oo markii dambe sii dhashay ama ay ka farcameen kooxo kale oo argagixiso ah sida kooxda Al Salafiyaha Muxtasibah ee iska horkeentay shacabka Sucuudiga iyo Dowladda maadaama ay shacabka farayeen inay ka horyimaadaan tallaabooyinka ay u arkaan kuwa xun ee ay dowladdu qaado.”

Muuqaal baahiyaha Al Ekhbariya ee albaabada loo furay sannadkii 2004tii ayaa sidoo kale ku eedeeyey Sheekh Naasiru-Diin Albany iyo kooxdaan Alhul Xadith inay markii qabsadeen Masjidka Barakeysan (Masjid al-Haram).

SIDEE AYEY SHACABKA SUCUUDIGU UGA FAL CELIYEEN WARBIXINTAAN?

Shacabka Sucuudiga ayaa si aad ah uga soo horjeestay warbixinta uu sii daayey kanaalka Al Ekhbariya, waxayna caradooda ku muujiyeen baraha bulshada ee ay ku kulmaan reer Sucuudi.

Inta badan shacabka Sucuudiga ee ka careysanaa warbixintaan uu sii daayey muuqaal baahiyaha Al Ekhbariya ayaa ka codsaday dowladdooda inay la xisaabtanto Al Ekhbariya TV, maadaama ay meel uga dheceen sharafka iyo qofnimada Sheekhaan caanka ah.

Saddaam Bin Khaalid Aal Sacuud wuxuu ka tirsan yahay Boqortooyada Sucuudiga, wuxuuna ka mid yahay dadka ka hadlay arrintaan: “Warbixintaas ka hadlaysay arrimaha kooxaha Argagixisada ah, waxaa lagu soo hadal qaaday magaca Sheekh Muhammad Nasiruddin al-AlbaniRabbi ha u raxmadee, waa ay guuldarreysteen oo masuuliyaddooda ayey gabeen kuwii soo diyaariyey warbixintaan.”

Sheekh Muhammad Nasiruddin al-Albaniwuxuu dhashay sannadkii 1914tii, wuxuuna ku dhintay Jordan2dii bishii October 1999kii isagoo 85 jir ah, Sheekhaan u dhashay dalka Albaniawuxuu inta badan dacwooyinkiisa kaga soo horjeeday fikirka takfiirka iyo argagixisada, sida uu sheegay Saddaam Bin Khaalid Aal Sacuud oo ka tirsan Qoyska Boqortooyda.

Inkastoo Sheekh Naasiru- Diin Albanyuu ka soo jeeday qoys sabool ah, hadana taasi kama horjoogsan isaga iyo aabihiisba inay noqdaan laba nin oo culimo ah oo dadka dacwada saxda ah gaarsiiya. Intaas waxaa usii dheereyd inuu ahaa farsamo yaqaan hagaajiya saacadaha.

Wuxuu qoray kutubo badan oo ku saabsan cilmiga Xadiithka oo ay kamid yihiin ‘Silsilatul Axaadiith Al Saxeexa’ iyo ‘Silsilatul Axaadiith Daciifa’.

Sanadkii 1999, boqor Feysal ayaa siiyay abaalmarin ku saabsan barashada diinta Islaamka isla sanadkaas ayuu Sheekha geeriyooday.