Maxay Turkey uga dhigan tahay teegeerada dowlada Soomaaliya ee Sacuudiga?

Dad badan ayaa ku wareersan su’aalana iska weydiinaya go’aamada kasoo baxay dowladda Somaliya ee lagu teegeerayay dowladda Sacuudiga kaasoo la xiriiray dilki weriye Jamaal Khashaqji oo lagu khaarijiyay 2-Oct. qunsuliyadda uu sucuudiga ku leeyahay waddanka Turkiga.

Dowladda Turkiga ayaa si weyn u dhaleeceysay dilka, iyagoo ku tilmaamay in dilka Jamal Khashoqji ahaa mid lasoo qorsheeyay, wallow Sacuudiga hadalo isburinaya kasoo baxay ay ku difireen dilka weriyaha.

Inta badan dowladaha caalamaka ayaa si weyn u dhaliiyay dilka weriyaha kuna tilmaamay fal wuxuushnimo kana baxsan sharciga ilaalinta xuquuqda bini-aadamka.

Waddamo tiro yar oo ay Somaliya ka mid tahay ayaa la saftay Sacuudiga. Inta badan shacabka Soomaaliyeed ayaa la yaabay go’aanka dowladda Soomaaliya ee la safashada Sacuudiga, iyadoo la filayay taas bedlkeed in dowladdu  garab istaagto Turkiga oo ah waqtigan la joogo walaal saameyn weyn ku leh umadda Soomaaliyeed xilliga ay ugu baahi badneydna usoo gurmaday illaa iyo imikana garab taagan.

Haddaba maxay ka dhigantahay teegeerada dowladda Somaaliya ee Sacuudiga?

Inkastoo siyaasadda caalamka waqtigan la joogo ay ku dhisantahay hadba meesha ay danta ku jirto, hadana waan baahanahay baqtiga looma cuno. Waxaa la filayay dowladda Somaliya ugu yaraan inay ka aamusto xasarradaha noocaan oo kale ah marka ay jiraan, oo aysan dhinacna la safan maadaama ay labada dowladood ay saameyn togan ku leeyihiin dalka, si looga fogaado khilaaf iyo sumcad darro.

Laakin, dowladda somaliya ayaa si aan ganabasho laheyn u qaadatay go’aanka lagu taageerayay Sacuudiga, wallow uusan jirin mas’uul ku saxiixnaa warqadihii lasoo saaray, waxayse kasoo baxday wasaardda arrimaha dibadda ee dalka.

Dad badan ayaa aaminsan in dowladda Somaliya teegeerada Sacuudiga ku bedelatay dhaqaallo. Ma xuma haddii halka warqad ay u dhiganto hal jawaano lacag ah! Laakin, illaa goormee Soomaaliya sharafkeeda iyo masiirkeeda lagu bedelanayaa dhaqaallo?!

Waxaa sidoo kale lagu mala weynyahay, in ay tahay qorsho siyaasadeed ay dowladda Soomaliya xiriirka Sacuudiga ku wanaajinayso oo balanqaadyo aan weli fulintoodu la ogeyn u sameeyay, maadaama uu horay madmadow usoo kala dhex galay kaasoo la xiriiray go’doomintii Qadar ee Somaliya dhexdhexaadka ka noqotay. Waxeyse runta lagama reystaanka ahi tahay, in arrinti  Qadar ay tani ka muhiimsaneyd in dhexdhexaad laga noqdo ama Turkiga lala safto.

Si kastaba ha ahaatee, si muran iyo sumcad darro looga aamin noqdo, maxaa u diidaya dowladda inay ka fogaato teegeerada aa micnaha laheyn?!

Turkiga Sidee u saameeyay go’aamada dowladda Soomaaliya?

Kadib go’aankii dowladda ee la safashada Sacuudiga, waxaa soo baxayay oo ay warbaahinta qaar qoreysay in xiriiriki Soomaaliya iyo Turkiga madmadow soo kala dhexgalay, iyadoo xaalka cirka kusii shareeray kadib markii  Soomaliya laga waayay xafladdi 29.Oct. ee furitaanki Gegeda diyaaradaha magaalada Istanbuul oo lagu cusuumay 18 dal oo saaxiibo la ah Turkiga.

Ka dib maxaa dhacay?

Hulusi Akar oo ah wasiirka gashaandhiga Turkiga, Taliyaha Ciidamada Turkiga, Saraakiil sare oo ka tirsan qaybaha kala duwan ee Ciidamada Turkiga iyo Madaxa Hay’adda TIKA ayaa7-November yimid Muqdisho, waxeyna kulama la qaateen madaxda dowladda federaalka.

Dadka ay la kulmeen waxaa ka mid ah madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre iyo saraakiil kale oo ka tirsan dowladda, iyada oo loo sameeyey casho sharaf soo dhoweyn ah.

Ujeedka safarka wafdigan ayaa ahaa sidii dowladda Turkigu u sii dardargelin lahayd taageerada ay u fidiso Soomaaliya iyo inay qiimeeyaan siyaabaha ay ku sii horumarin karaan taageerada Ciidamada Qalabka sida ee dhinacyada tabobarka iyo qalabaynta.

Haddaba imaatinka wafdigan balaaran ee Turkiga ayaa meesha ka saaray wararki leysla dhexmarayay ee ku saabsanaa xumaanshiyaha xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga.

Waa su’aale Turkiga miyuusan ka warheyn go’aamada dowladda? Mise u jeedada Turkiga ee Soomaaliya waa mid ka fog go’aamada madaxda dowladda?

Marka aad eegto siyaasadda Turkiga waa mid jiho leh oo aan ku xirneyn shaqsiyaad, taasna waxaa kaaga filan cadeyn xilliga ay soo bilaabatay garab-istaaga Turkiga ee soomaliya iyo inta madax ee soomaaliya isku bedeshay, welina halkeedii kasii socota. Waxaana hubaal ah in madaxda hadda joogta ay tagayaan halka garab-istaaga Turkigana uu baaqi sii ahaan doonno.

Arrinkan ayaa loo arki karaa in Turkiga uusan saameyn ku yeelan go’aamada madaxda dowladda, ayna ujeedadiisa tahay keliya inuu garab-taagnaado umadda Soomaaliyeeda kana caawiyo howlaha horumarineed ee dalka sida dhisidda ciidanka xoogga iyo sidii ay dib ugu soo noqon laheyd Soomaliya oo awood leh.

Aan soo gunaanadee, dowladda waxa ay meteshaa shacabka Soomaaliyeed. Inta badan shacabka Soomaaliyeed ayaa u arka dowladda Turkiga inay tahay walaal dhab oo xilli kasta garab taagan. Waxaana habbooneyd in dowladda tixgeliso dareenka shacabka iyo midka Turkiga, waxaase muuqata in taas aan wax dan iyo heello laga laheyn. Maxaase xigi doona, bal dhowr.

W/Q: Abdinasir Safaana
Email: Safaanahaji@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid