Dhageyso: Muuse Biixi oo u hanjabay DF Soomaaliya

Burco (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland ayaa magaalada Burco uga soo hanjabay dowladda federaalka, isagoo ka hadlayay xaaladda geeska Afrika.

Muuse Biixi Cabdi oo dhawaan safar ugu baxay goballada dhaca Bariga Somaliland ayaa waxa uu shalay gaaray magaalada Burco ee Xarunta gobalka Togdheer.

Isagoo dadweyne kula hadlayay magaaladaasi Burco waxa uu soo hadal qaaday xaaladda wadamada gobolka iyo isbahaysiga dowladda federaalka, xukuumadda Itoobiya iyo maamulka Eratariya.

Wuxuu hoosta ka xariiqay in dowladda federaalka aynaan waxba yeeli karaynin, isagoo tilmaamay in gollaha ammaanka ee Qaramada Madoobe ay geeysay bayaan sheegaya in lala maquuniyo Somaliland sida uu Biixi Cabdi hadalka u dhigay.

Waxaa uu sidoo kale Biixi kaga hadlay arrimaha doorashooyinka golayaasha Somaliland oo dhowaan buuq badani uu hareeyay.

Madaxweynaha Somaliland Biixi ayaa sheegay in doorashooyinkii Somaliland ka dhici lahaa horaanta sanadkan uu dib u dhac ku yimid balse xisbiyada mucaaridka  uu ku rajo weyn yahay inay xal ka gaadhan marka la gaadho sanadka 2019.

Sidoo kale colaad beeleedyo ka taagan Somaliland ayuu soo hadal qaaday, isagoo ku baaqay in laga shaqeeyo nabadgalyada.

HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO

 

Caasimada Online
Xafiiska Burco
Caasimada@live.com