Hal arin oo sabab u ah xil ka qaadista tirada badan ee ka socota HIIRAAN

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Hirshabeelle ayaa xil ka qaadistii ugu badneyd ku sameeyay masuuliyiin kala duwan oo xilal ka qabtay gobolka Hiiraan, haba ugu badnaadeene guddoomiyaal kala duwan oo xilka laga qaaday.

Arrinta ugu weyn ee sababta u ah xil ka qaadista ayaa ah hab maamulka dhaqaalaha badan ee canshuur ahaan kaga soo xaroodo magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan iyo deeganaada kale ee gobolka.

Wasiirka maaliyadda Hirshabeelle oo saaxiib ay yihiin masuuliyiinta ugu sareyso Hirshabeelle ayay is qabteen masuuliyiintii ugu badneyd ee xil ka qaadista lagu sameeyay ee gobolka Hiiraan.

Arrinta ay isku qabtaan masuuliyiinta ugu badan ee xilka laga qaaday ayaa ah dhaqaalaha kasoo xaroodo gobolka Hiiraan oo si toos ah loogu shubo Account ay maamulaan madaxda Hirshabeelle.

Masuuliyiintii maamulka degmada iyo kan Gobolka ayaa ku dooda in dhaqaalaha ka yimaada kastamada magaalada Beledweyne lagu shubo qasnadda gobolka Hiiraan si loogu adeego dadweynaha gobolka islamarkaana mushaarkooda laga siiyo shaqaalaha gobolka Hiiraan.

Taasi badalkeeda waxaa dhaqaalaha toos loogu xawilaa Koontooyin gaar ah, waxaana Hiiraan a yimaada dhaqaalaha ugu badan oo dadka deegaanka aan loogu qaban.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com