25.1 C
Mogadishu
Friday, July 4, 2025

Sawirro: Ciidamadii ONLF ka joogay Eritrea oo maanta dib ugu laabtay Itoobiya

Bookmark
Bookmarked

Share

Jigjiga (Caasimadda Online) – Waxaa Maanta Magalada Jigjiga ee Dowlad deegaanka Soomaalida laga dejiyay Ciidamadii Jabhadda ONLF ee xoreynta Soomaali Galbeed,kuwaas oo ka ambabaxay Magalada Asmara ee Caasimadda Ereteriya.

Ciidamaas oo ah kuwa aan hubeysneyn ayaa waxaa Asmara ka qaaday Diyaarad ay leedahay shirkadda Itoabiya Airlines,waxaana ay ka dejisay Garoon ku yaalla Magalada Jigjiga.

Ciidamadaan ayaa saldhig ku lahaa Casmara xiliyadii dagaalka ku lajireen ciidamada Itoobiya ee xukumadihii  dowlada hadda jirta ka horreeyey.

Boqolaal ka mid ah Shacabka Magalada Jigjiga ayaa Ciidamaas kusoo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Garad Wiilwaal ee Magalada Jigjiga.

Ra’iisul wasaaraha is badal doonka ah ee Itoobiya tan iyo markii uu xilka la wareegay ayaa waxaa Itoobiya waxaa ku  labanayey dadkii horey uga cararay.

Itoobiya iyo Ururka ONLF ayaa dhawaan soo afjaray colaaddii muddada dheer u dhaxeysay labada dhinac. .

 

- Advertisement -

Read more

Local News