“Xukunka dunida islaamka” Sacuudiga oo arrin yaab leh ku tuhmaya TURKIGA

Muqdisho (Caasimada Online) – Wargeys kasoo baxa dalka Sacuudiga ayaa  bilaabay olole loogu digayo qorshaha Turkey uu ka damacsan yahay dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Nin Salaam, iyada oo lala xiriirinayo dilkii Wariye Jamaal.

Arrinta yaabka leh ee Sacuudiga ay faafinayaan ayaa ah in Turkiga doonayaan in ay wiiqaan Sacuudiga, si ay ayaga u xukumaan dunida Islaamka.

Wariye Maxamed Catiif ayaa ku qoray Wargeyska SABQ in dowladda Sacuudiga ay ku micneysay “Weerar aan waxba laga qaban karin” dilkii Jamaal, halka uu ku eedeeyay dowladda Turkey inay kor u qaadeyso arin aan waxba ku jirin, ayna iska indha tireyso Dalabka Sacuudiga ee la xiriira codka ama cadeymaha kale ee dilka Jamaal.

Wariyaha ayaa ku eedeynaya xukuumadda Ankara in dilka Jamaal ay siyaasadeyneyso, iyada oo dooneysa inay isku daydo xukunka dunida islaamka iyada oo la hoos dhigayo doorka Sacuudiga ku leeyahay la dagaalanka kooxaha islaamiyiinta.

Wuxuu intaasi ku daray in Turkey uu isku dayayo ” Inuu helo faa’idada dhaqaale isaga oo u hanjabaya Sacuudiga” waxaana uu sidoo kale sheegay in Turkey uu jibiyay xiriirka diblumaasiyadeed isaga oo jaajuusay qunsuliyadda Sacuudiga.

Isla waqtigaasi, Wariye Sacuudiyaan ah Xaamud Abu Taleb ayaa warbixin uu qoray cinwaan uga dhigay “Maxay dadka dambiyada waaweyn galay u aamisan yihiin” waxaana uu ku eedeeyay in xukuumada Turkey ay ogolaadeen dilka Wariye Jamaal Khashoqji.

“Sirdoonka Turkey wuu la socday xaalka Jamaal ilaa uu yimid Istanbul, waxay dhageysanayeen wada sheekeysigooda iyo qorshaha dilka Wariyaha, laakiin ma aysan joojin in dambiga uu dhaco”ayuu hadalkiisa kusii daray wariyaha reer Sacuudi.

Sidoo kale Khalid Suleymaan ayaa qoray “Haddii “Turkey” ay ogaayeen xaalka iyo qorshaha dilka inta uusan dhicin, maxay ugu digu waayeen Kashoqji”

Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com