Muqdisho (Caasimada Online) – Bankiga Dhexe ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shaaciyay magacyada 15 bakgi oo uu shati siiyay.
Bankiyadan oo dhammaantood soo buuxiyay shuruudaha hannaanka shati-siinta Bankiga Dhexe, 14 ka mid ah waa bakgiyo maxalli ah, halka hal banki uu yahay mid caalami ah, sida ku cad war-saxaafadeed kasoo baxay Bankiga Dhexe.
“Bankiga Dhexe ee Soomaaliya wuxuu sii xoojinayaa hannaanka maaliyadeed ee dalka isaga oo u maraya shati-siinta iyo kormeerka hay’adaha iyo shirkadaha laf-dhabarta u ah adeegyada maaliyadeed ee dalka.”
Bankiga ayaa sheegay in aas-aaska adag ee hannaanka maaliyadeed uu yahay tiirka lagu gaari karo mustaqbal maaliyadeed iyo mid dhaqaale oo waara.
Sidaas darteed, Bankiga Dhexe ayaa mudnaan siinaya dhisidda hannaanka maaliyadeed si uu u noqdo mid xasilloon, loo dhan yahay, isla markaana la isku halayn karo.
Dhawaan, Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa markii u horeysay shati-siiyay 7 shirkadood oo bixiya maalgelimaha yar-yar ee aan dhigaalka qaban, taas oo ah tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo nidaamka maaliyadda dalka.
Go’aanka shati siinta ayaa yimid kadib dib-u-eegis lagu sameeyay sharciga hay’adaha maaliyaddda, isla markaana la meel-mariyey xeernidaamiyaha shati siinta hay’adaha bixiya amaahda yar-yar ee aan dhigaalka qaadan.
Si kastaba, shati-bixintan ayaa waxay shirkadaha fursad u siinaysaa inay bixiyaan adeegyo maaliyadeed oo waafaqan shareecada Islaamka, isla markaana fudud, oo u adeegaya bulshada aan si buuxda uga faa’iideysan nidaamka bankiyada ganacsiga.
Hoos ka akhriso magacyada 15-ka banki:
- Amal Bank
- Amana Bank
- Agro Bank
- Bulsho Bank
- BB Bank
- Dahabshiil Bank
- Daryeel Bank
- IBS Bank
- Idman Bank
- Som Bank
- Salaam Somali Bank
- GIB Bank
- My Bank
- Premier Bank
- Ziraat Bankasi


