Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa shaaciyay in 25 shaqaale ay tababar heer sare ah ugu dirtay dalka Israa’iil.
Shaqaalahan ayaa ka tirsan Wakaaladda Biyaha Hargeysa, waxaana loo doortay ka qayb-galka tababar sare oo ku saabsan culuumta iyo maamulka biyaha, kaas oo lagu qabanayo dalka Israa’iil.
Tababarkan ayaa lagu tilmaamay mid kor loogu qaadayo aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha si ay uga miro-dhaliyaan waajibaadka saaran hay’adda.
Shaqaalahan Somaliland ka socda ee tiradoodu dhan tahay 25 xubnood, ayaa maanta gaaray magaalada Tel Aviv ee Israa’iil.
Xubnahan ayaa waxaa halkaas ku soo dhaweeyey mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Israa’iil, kuwaas oo qaabilay wafdiga. Wakaaladdu waxay caddeysay in xubnaha la xulay ay leeyihiin aqoon iyo waayo-aragnimo la xiriirta howlaha aas-aasiga ah ee ay hay’addu qabato.
Sidoo kale, waxaa la sheegay in laga filayo inay si buuxda uga faa’iideystaan fursaddan tababar, isla markaana ay la yimaadaan khibrad dheeraad ah.
Wakaaladdu waxay tilmaantay in tababarkani door ka qaadan doono horumarinta iyo tayeynta adeegyada biyaha ee magaalada Hargeysa, iyadoo marka ay shaqaaluhu dib ugu soo noqdaan Somaliland ay wax ku biirin doonaan hagaajinta shaqada iyo adeeg bixinta.
Israa’iil ayaa lagu tilmaamaa dal hormuud ka ah arrimaha biyaha iyo beeraha ee Bariga Dhexe, iyadoo noqotay dowladdii ugu horreysay ee si rasmi ah u aqoonsata Somaliland dabayaaqadii sanadkii hore, isla markaana la filayo iskaashi dhinacyo badan leh sida uu hore u sheegay Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro.

