Maxay yihiin caqabadaha Gaas ka hor istaagi kara dib usoo laabashadiisa?

Garowe (Caasimada Online) – Muddo lix maalin ah ayaa ka harsan doorashada madaxweynaha maamulka Puntland oo dhawaan ka dhaceyso magaalada Garowe ee caasimada maamulkaasi.

Dadka falanqeeya siyaasadda doorashada ayaa sheegaya inay jiraan caqabado keeni kara in madaxweyne Gaas uusan markale kusoo laaban xukunta deegaanada maamulka Puntland oo muddo shan sano ah maamulayay.

Waxyaabaha la isleeyahay waxay dib u dhigeen rajooyinka dib usoo laabashada madaxweyne Gaas waxaa kamid ah:-

In xildhibaanada baarlamaanka ee lasoo xulay dhamaantood yihiin kuwo cusub oo doonaya in isbadal dhaco, taasi waxay noqon karta caqabada koowaad ee C/Welli Gaas, laakiin waxaa xusid mudan in isaga uu keenay inta badan xildhibaanada.

Arinta Labaad ayaa lagu sheegaa inay tahay xumeynta xiriirka kala dhaxeeyay dowladda Soomaaliya oo hor istaagay mashaariic badan iyo dhaqaalo la doonayay in lagu maalgeliyo deegaanada Puntland, sida dhawaan uu sheegay C/raxmaan Faroole.

Arinta seddexaad ayaa lagu sheegaa inay tahay fulin la’aanta balanqaadyo badan oo uu u sameeyay madaxda odayaasha dhaqanka ee Puntland, waxaana kamid ah dib u qabashada deegaanada ka maqan gacanta Puntland.

Xumaanshaha xiriirkii kala haxeeyay Isimadda dhaqanka Beesha Dhulbahante oo meesha ka baxay ayaa la sheegayaa inay tahay dhabarjab kale oo C/Welli Gaas  kasoo wajihi kara doorashada Puntland.

Laakiin waxaa jiro fursado uu ku guuleysan karo oo ay ugu horeyso saameyntii uu ku lahaa soo xulista xildhibaaada baarlamaanka iyo dhismayaashii uu isaga dhagax dhigay.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com