ONLF oo ka digtay xaalad halis ah oo kusoo wajahan deegaannada Soomaalida

Jigjiga (Caasimada Online)- Ururka Onlf ayaa ka hadlay xiisaddo ka taagan deegaanada maamulka Soomaalida Ethiopia kuwaasi oo halis ku ah maamulka dowlad deegaanka, haddii aan wax laga qaban.

ONLF ayaa sheegtay in khilaaf cusub laga dhex abuurayo Soomaalida dhexdeeda iyada oo ujeedada laga leeyahay ku sheegay inay ku dagaalamaan dhul deegaanka ku yaala.

C/raxmaan Maxamed Sheikh xoghayaha ONLF ayaa ka dalbaday dowlad deegaanka Soomaalida inay ka hor tagto qatar kasoo socoto dadka reer miyiga ah ee deegaanka, kuwaasi oo dhexdooda colaado laga dhex abuurayo.

Xoghayaha ayaa sidoo kale sheegay inay ka digayaan colaad la doonayo in laga dhex abuuro Soomaalida iyo oromada, colaadaasi oo ka bilaaban karta dhul daaqsimeed cusub oo deegaanka ah.

Dowladda Federaalka Ethiopia ayuu dhankeeda ugu baaqay inay doorweyn ka ciyaarto sidii halistaasi looga hortagi lahaa, maadaama hadda ay xiisad u dhaxeyso Soomaalida iyo shacabka Oromada.

Wuxuu ugu dambeyn sheegay inaysan jirin cid uu ku eedeynayo inay hurineyso colaada labada beelood, balse wuxuu ku baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan loga hortago.

Caasimada Online
Xafiiska Jigjiga
Caasimada@live.com