Puntland: Ma Lafta-Gareen baa la dooran doonaa mise

Gaas, Puntland oo labaatan jir ah buu labo jir u celiyay, laakiin Cali Ciise inuu laqmiyuu rabaa!

Shaxdu mid qarsoon ma aha, xataa haddii ay been yihiin wararka sheegaya in Cali Ciise Cabdi ay soo dirsadeen Farmaajo iyo Itoobiya, waxaan been ahayn in Cali Ciise Cabdi uu si bareer ah ula dagaalay jiritaanka Puntland isagoo qayb ahaan gobolladii qayb ka mid ah ku dadaalay inay ka go’aan maamulka Puntland, oo u ololeeyay inuu ka feer dhiso qayb iyada ka mid ah oo KHaatumo ah, in kastoo iyadii (waa KHaatumee) ay ku soo dhammaatay inay ka mid noqotay Somaliland… Waxaana geesinimo xad dhaafa ah in Cali Ciise Cabdi uu ku soo dhiirado inuu Puntland isu soo rashaxo, oo waliba kaaga daranee talada Puntland oo dhan uu yiraahdo aan hoggaankeeda qabto!… Inuu Puntland yimaado oo waliba aysan ku soo yaacin reer Taleex oo aysan weydiin dadkii dhexdooda isaga dhintay baa wax lala Yaabo ah!…. Waxaase Yaabka-Yaabkiisa ah! In guud ahaan shacabka Puntland oo maamulkoodii uu dagaalka ku hayay uu soo dhex fariisto isagoo aan raali ahaada dhihin, cafisna aan weydiisan!… Sida uu ku yimid anshaxa wanaagsan meel ka dhac ayeey ku tahay…

Cali Ciise Cabdi, rasmi ahaan wali wuxuu ka tirsanyahay maamulka Cali KHaliif Galayr ee KHaatumo, waa jiraan warar qaar sheegaya inuu khilaaf weyn soo isaga iyo madax-weynihii uu soo dhisay ee Cali KHaliif Galayr, hasa yeeshee, Cali Ciise, ilaa iyo hadda si rasmi ah loogama maqal inuu ka baxay KHaatumo, waxaana la moodaa inuu jiro hannaan siyaasadeed oo ay u samaysanyihiin ama ay isku mid ka yihiin labo Cali kaasoo ah inuusan jirin xeer ay ilaalinayaan, maxaa yeelay labada ninba hadba si dhib yar bay siyaasadooda isu bedeli karaysaa oo ma laha mowqif (Political Stand) ama meel loogu soo hagaago siyaasad ahaan!…Galayr, wuxuu ka baxay KHaatumo oo wuxuu galay Somaliland! Arrintaas marka la fiiriyo dastuurkii ay KHaatumo dhigatay, waa mid aad uga soo hor jeedda, Cali Ciise, siduu KHaatumo u ahaa buu mar keliya wuxuu la soo baaday inuu sharaxanyahay madax-weynenimmada Puntland!…marka maxaa diidaya in Cali Ciise uu beri ku tunto dastuurka Puntland, oo uu yiraahdo Federal ma jiro oo maamul-goboleed ma jiro… ma jiro?! Maxaa diidaya?…Maanta, Cali Ciise; waa KHaatumo, maya ma ahee waa Somaliland, maya, ma ahee, waa Puntland, maya ma ahee waa waziir xukuumadda federal-ka, maya ma ahee waa…Waxaa shaki ku jirin Cabdi-Wali Max’ed Cali Gaas Puntland inuu labo jir u celiyay iyadoo labaatan jir ah, laakin Cali Ciise labo jirkaas yuusan laqmin!

Xil-DHIbaannada cusub ee Puntland doorashadaan khaladkaad ku gashaan Puntland ka soo noqon mayso!

Dabeecaddaas mowqif la’aanta ah marka laga soo tago, Cali Ciise oo la doorto uma eke inay dan ugu jirto guud ahaan dadka Soomaaliyeed iyo gaar ahaan maamulka Puntland ee uu isu rashaxay madaxnimadiisa, sababtuna waxay tahay in Cali Ciise Cabdi sida xogo badan oo kala duwan oo laga helayo magaallada Muqdisho ay tilmaamayaan uu yahay nin ku socda barnaamij loo soo dhiibay lagu burburinayo nidaamka federalism-ka iyo maamul-goboleedada ee ka jira Soomaaliya…Sida laga war qabo Soomaaliya nidaamka dowladnimo oo ay qaadanayso kuma imaan karayo khayaano iyo cudud shisheeye sidii ka dhacday Baydhabo oo ay dowladdu isticmaasho ee wuxuu ku imaan karaa oo keliya heshiis ay ummadda Soomaaliyeed ay isla qaadato!…Nidaamka federal-ka ah ee ay dowladda Soomaaliya hadda ku dhisantahay waa mid ay iyada ku heshiisay, marar badan waxaan maqlaa dad ku celcelinaya federal-ka waxaa inoo soo oqray Yuhuud iyo Amxaaro!…Dalkeena waa burburay dhankii laga eegaba; dhaqan ahaan, mujtamac ahaan, dhaqaale ahaan, iyo siyaasad ahaanba, heer waxaan gaarnay nin kasta ina damaaciyay, shakina kuma jiro in wax badan laynoo qoray, laakiin waa inaan helno ama aan raadino dariiqii aan ooga bixi lahayn annagoo ka feejignaanayna inaan burbur hor leh ku dhacno. 

Dagaalka Farmaajo iyo KHeyre ay ku hayaan maamul goboleeddada waa mid asal ahaan la xiriira heshiisyada qarsoodiga ah ee Farmaajo iyo nimanka Itoobiyaanka ah ee Isias Afewerke iyo Abiy Axmed, sida warar mudooyinkaan dambe soo baxayay ay sheegayaan, ra’iisal wazaaraha Itoobiya Abiy Axmed wuxuu xil-dhibaannada dalkaas u gudbiyay qoraal uu ku weydiisanayo in nidaamka federal-ka ee dalka Itoobiya lagu bedelo nidaamkii centralization-ka ahaa isla markaasna dastuurka dalkaas laga saaro qodobka 39aad ee maamul-goboleeddada u oggolaaniya in haddii ay doonaanaan ka go’i  karaan Itoobiya intiisa kale, isagoo taas uga hor tegaya inay jirto awood si sharci ah uga hor imaan karta, waana taas mid la mid ah siyaasadda ka dambaysa colaadda Farmaajo iyo KHeyre ay maanta hayaan maamul-goboleeddada, ka dib markii ay Golihii SHacabka iska hor keeneen iyagoo xil-dhibaannadi qaar ku laaluushay jagooyin, sida; waziiro iyo waziir-ku-xigeeno oo ay sidaas kaga adkaadeen…Gole-SHacbi ma jiro!… Uma malaynayo inay jiraan, laga yaabo magac ahaan, waxaana laga war qabaa in xukuumaddii ay waysay wax la xisaabtama sidaas daraadeed ra’iisal wazaare Xasan Cali KHeyre uu soo fuulay waajibaad kale oo ah in xukuumadda isla xisaabtanto, wuxuuna axaddii la soo dhaafay furay isla-xisaabtankii kowaad ee xukuumaddiisa.

Xil-DHibaannada cusub ee Puntland, mid shaki kuma jiro, Bisha January maanta waa kow, waana maalintii ugu horeysay calendar-ka gregorian-ka ee sanadka 2019ka, waxa aad maanta gooysaan ma noqonayaan mid shakhsi lagu xumayniyo, ama looga aar gudanayo, berina aad ka shalaayi doontid haddii aad maanta is leedahay qof ku xumee ama uga aar gudo!….KHaladkaad maanta gashaana ma noqon doono sidii khaladaadkii horay uga dhici jiray doorashooyinkii middaan ka horeeyay, natiijada doorashadaan qayb ka noqon doontaa qaabaynta cusub ee siyaasadda dalka!…. Waa diginin! Cali Ciise Cabdi, Cir-Ka-Soo-DHac ma aha! Qorshe ayuu ku yimid…oo muxuu yahay?…waqtigaa sheegi doona! Xil-dhibaanka cusubow ka feker, Cali Ciise keliya ma aha rag kale oo murshaxiinta ka mid ah ayaa jira oo qaarkood ay u tartamayaan madax-weyne ku-xigeen oo dhamaantood loo soo diyaariyay inay ciyaaraan,kaalintii Laft-Gareen oo ka ciyaaray Baydhabo inay ka ciyaaraan doorashadaan, si maqaamka maamul-goboleeddada hoos loogu dhigo sida kii Golihii SHacabka ku dhacday markii la kala qaybiyay, lakala laaluushay…Ma Lafta-Gareen baad inoo dooraysaan mise?!…

Waxaa iyadana haboon in dad-weynaha reer Puntland aysan shaki kala dhex gelin, sidaas oo kalana aysan isaga hor imaan khilaaf uu sbab u yahay murashaxa Cali Ciise Cabdi, waana inay u toog hayaan xiisadaha ka imaan kara nin kasta oo xukuumadda federal-ka ujeedooyinkeeda guracan u soo galay tartanka doorashada, sidaasoo kalana Odayaasha-DHaqanka ayeey tahay in mar kasta si dhow indhaha ugu hayaan khaladaadka soo bixi kara iyagoo waliba wada jira si talada iyo go’aannada ay gaarayaan aysan ugu kala qaybsamin ama aan dhexdooda loo soo gelin, waana inay ka sii fekeraan oo ay maanka ku hayaan waxay kaga tashan lahaayeen haddii ay dhacdo inuu soo baxo qof aan ku shaqaynayn dastuurka dalka iyo midka Puntland oo raba inuu ku shaqeeyo awaamir ka timaadda madaxtooyada Muqdisho oo khilaafsan qawaaniinta iyo cahdiga ay ummadda dhigatay ujeeddadiisuna tahay inuu ka qayb qaato duminta maamul goboleeddada.   

Axmed-Yaasiin Maxamed Sooyaan

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid