Sawirro: Maxay yihiin ciidanka Axmed Madobe iyo wasiirka difaaca ay soo bandhigeen?

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta booqasho ugu tagay ciidamada qalabka sida ee loo diyaariyay howl-galka dhawaan ka bilaabanaya deegaanada Jubbaland.

Madaxweynaha ayaa waxa kormeerkan ku wehlinayay Wasiirka Difaaca Dowlada Federaalka Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha Ciidamada xooga dalka Sareeye Guuto Odowaa Yusuf Raage oo Jubbaland u joogay maalmahan bilaabista howl-galada ka dhanka ah argagixisada.

Axmed Madoobe oo ugu horeyntii halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in Ciidamadan ay ka kooban yihiin noocyada kala duwan ee Ciidamada Jubaland iyo kuwa xooga dalka, islamarkana ay diyaar u yihiin xoraynta dalka.

Sidoo kale waxa uu sheegay in marka deegaanada la xoreeyo kadib ay diyaar yihiin hay’adahii la wareegi lahaa shaqada gaar ahaan Ciidamada Booliska iyo Nabad-sugida, ayada oo markaasi la bilaabi doono sidii dadka deegaanka ay usoo dooran lahayeen dadka u adeegaya.

“Argagixisada waa lagu jabiyay dagaalka ka socda gobolada dalka, waa la is raacin doona ayada oo laga xoraynayo deegaanada Jubbaland, oo ah halka uu howl-galka xoogiisa uu ka bilaaban doono.”

Waxa kale oo uu dadka shacabka ah uga digay inay ku kadsoomaan dacaayadaha iyo wararka beenta ah ee khawaariijtu ay faafinayso.

Axmed Madoobe ayaa ugu dambeyntiina ku amaanay dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, sida ay uga go’an tahay nabad kusoo celinta dalka iyo cirib-tirka argagixisada, taasi oo hadaba guulo la taaban karo laga gaaray.