Maxey Khadiijo Maxamed Diiriye ka tiri xariga agaasimaha wasaaraddeeda?

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo habeenimadii xalay Hooygiisa lagala baxay Agaasimihii Wasaarada Haweenka Maxamed Cumar Maxamed, ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Khadiijo Maxamed Diiriye oo ah Sii hayaha Xilka Wasaarada Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka.

Khadiijo Maxamed Diiriye waxa ay sheegtay in xariga loo geestay Agaasimaha uu yahay mid aysan kawar heyn Wasaarada waxa ayna Tilmaantay in Xarigaasi uu yahay mid sharci daro ah marka loo eego nidaamka.

Waxa ay Tilmaantay in Xariga Agaasimaha uu yahay mid la xiriiro qodobo ku jira Dastuurka DF Somalia, iyadoona sheegtay in xarigiisa loo tiigsaday Qodobka 150-aad ee xeerka ciqaabta, sida ay hadalka u dhigtay.

Khadiijo Maxamed Diiriye oo xarigaasi ka hadashay ayaa waxa ay tiri ”Waa talaabo wanaagsan in qof waliba lala tiigsado Dastuurka iyo sharciga balse waxan kasoo horjeednaa in Mas’uul ka tirsan wasaarad ama Hay’ad gurigiisa lagala soo baxo iyadoo aan lala socodsiin Mas’uuliyiinta isaga ka sareysa”

Sidoo kale Khadiijo waxa ay daboolka ka qaaday in Qodobka 206 uu sheegayo inaan Qofna gurigiisa lagu weerari Karin inta u dhaxeyso Lixda maqribnino ilaa iyo laga gaarayo halka saac ee subaxnimo hadii an laga heysan fasax Maxkamadeed.

Dhanka kale, hadalka Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa waxa uu imaanayaa, iyadoo Saqdii dhexe ee xalay ay Ciidamada Ammaanka DF Somalia galeen aqalka Agaasimihii Wasaarada Haweenka Maxamed Cumar Maxamed oo lala xiriirinaayo gaf ku aadan Qodobada dastuurka uu dhigaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com