Qeybdiid oo dagaal ka dhex hurinaaya Somaliland iyo Khatumo (Xog cusub)

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanayo Magaalada Gaalkacyo, ayaa sheegaya in Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid uu Hub u daabulaayo Maamulka Khatumo.

Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in Hubkaasi uu ahaa mid uu C/qeybdiid ugu talo galay in Ciidamada Khatumo loo qeybiyo islamarkaana ay isaga difaacan kuwa Maamulka Somaliland ee fariisimaha ku leh Deegaanada kala qeybiya Khatumo iyo Somaliland.

Hubkaani oo ka kooban dhowr nooc, ayaa waxa uu kamid ahaa Hub ay dhawaan DF Somalia ugu deeqday Maamulka Galmudug, waxa ayna arrintaasi ka turjumeysaa in Madaxweyne Qeybdiid uu si muuqdo iyo si dadbanba ula safanaayo Maamulka Khatumo, oo ay kusoo gardarroodeen Somaliland..

Dhanka kale, Arrintaani ayaa waxan weli ka hadlin Maamulka Puntland iyo DF Somalia oo iyagu aalaba isha ku hayo dhaqdhaqaaqa Maamulka Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com