Xubno ka tirsan xukuumadda Gaas oo xilka R/W DFS u raadsaday Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdishu ayaa waxaa ku sugan xubno ka tirsan golaha Wasiirada Xukuumada Madaxweyne Cabdiweli Gaas kuwasoo u suxul duubaya sidii loogu magacaabi lahaa xilka Ra’isal wasaaraha dowlada Federaalka Somalia.

Wararkaan ayaa intaas ku daraya in xubnahaan ka tirsan Wasiirada Puntland oo dhowaan safar ku tagey magaalada Muqdishu kulamo la qaateen la taliye-yaasha aadka ugu dhow Madaxweyne Xasan Shiikh.

Xubnahaan ka tirsan Xukuumada Madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas oo u sharaxan xilka Ra’isal wasaaraha Somalia ayaa waxaa kamid ah Wasiirka Waxbarshada Puntland Cali Xaaji Warsame.

Cali Xaaji Warsame oo ku sugan magaalada Muqdishu ayaa wararku sheegayaan inuu gudbiyey codsigiisa ku aadan inuu xilkaan musharax u yahay.

Wasiirka Waxbarshada Cali Xaaji Warsame oo u tartamey xilka Madaxweynaha Puntland Jan 8 2014 ayaa horey safaro aan kala joogsi laheyn ugu amabaxay wadanka dibadiisa iyo magaalda Muqdishu taasoo dadka siyaasada falanqeeya ku macneeyeen inuusan wanaagsaneyn xiriirka shaqo uu la leeyahay Madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas.

“Waxaa muuqata in dhamaan xubnaha xilal ka haya Xukuumada Madaxweyne Gaas ee hadda talada haysa iney xilalka ay hayaan u isticmaalyaan Jaran-Jaro looga sii gudbo magaalada Muqdishu” sidaas waxaa yiri siyaasi ku nool magaalada Garowe.

Magaalada Muqdishu oo uu ka socdo loolan siyaasdeed ayaa wararka aan ka helyno sheegayaan iney siyaasiyiin farabada ee kasoo jeeda Puntland u sharaxan yihiin xilka Ra’isal Wasaaraha Somalia.

Xubnahaan ayaa waxaa kamid ah Khaliif Ciise Mudan, Cali Cabdi Awaare, Siciid Dani, Cabdulqaadir Xaashi iyo xubno kale oo farabadan.

Madaxweynaha Somalia oo kulan dhowaan la qaatey Wakiilada Beesha Caalamka u fadhiya Somalia ayaa sheegey in dhowaan uu soo magacaabi doono Ra’isal Wasaaraha Somalia.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale kulan la qaatey Xildhibaanadii diidanaa Mooshinka ka dhanka ahaa Ra’isal Wasaare Cabdiweli Shiikh ayaa wararka kasoo baxaya sheegayaan in lagu soo hadal qaadey magacaabista Ra’isal wasaaraha Somalia.

Madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh ayaa wel-wel ka qaba in Ra’isla wasaaraha cusub ay diidaan Xidhibaanadii kasoo horjeedey Mooshinkii ka dhan ahaa Cabdiweli Shiikh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com