XASAN oo ay soo wajaheen walaacyo ku saabsan R/W cusub kaddib markii…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa soo food saaray walaacyo ku saabsan magacaabista ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, oo ku cabsi qabo inuu fashilmo.

Warar ay Caasimada Online ka heshay ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in madaxaweynaha uu ka wel welsan yahay in ra’iisul wasaraaha uu soo magacaabayo uu kalsooni ka heli waayo baarlamanka.

Sida wararku sheegayaan in ka badan 80 xildhibaan oo u badan kuwii taageersanaa Cabdi Weli, ayaa ku hajnabay inaysan codka kalsoonida siin doonin shaqsi kasta oo uu Xasan Sheekh soo magacaabo.

Madaxweynaha ayaa haben hore la kulmay xildhibaanadan, hase yeeshee waxa ay ku adkeysteen diidamadooda, waxaana laga yaabaa in taas ay dib u dhigto magacaabista ra’iisul wasaaraha cusub.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in xildhibaano ka mid ah kuwii taageersanaa mooshinka Cabdi Weli ay ayagana muujinayaan diidmo, ayaga oo doonaya lacag dheeri ka ah tii ay ku rideen Cabdi Weli Sheekh Axmed.

Madaxweynaha ayaa waxaa hadda uu wadaa dadaallo uu ku qancinayo xildhibaanadan, waxaana sida xogtu ay leedahay aan laga fursan doonin inuu mar kale jeebka gacanta geliyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com