Shariif Xasan oo Xasan ka codsaday in uu laba siyaasi midkood ka dhigo R/W

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Somalia Shariif Xassan Sheekh Aadan uu madaxweyne Xasan Sheekh ku qal-qaalinayo in laba siyaasi midkood uu ra’iisul wasaare u magacaabo.

Shariif Xasan oo aad ugu dhow madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sida la sheegay kasoo horjeeda in ra’iisul wasaare loo magacaabo wasiirka maaliyadda DF Xuseen Cabdi Xalane.

Labada siyaasi ee Shariif Xasan uu midkood doonayo, ayaa sida xogtan ay leedahay waxa ay kala yihiin:-

1- Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke

2- Cabdi  Waxiid Cilmi Goonjeex

Si kastaba wararaka waxa ay sheegayaan in madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud uu ka cago jiidayo labada mas’uulba, waxaana Xusid mudan in Faarax C/qaadir uu isaguna si gaar ah u qaadacay in Cabdiwaxiid Cilmi Goonjeex lagu soo daro xubnaha looga fakarayo jagada, sida ay xogtu sheegeyso.

Xuseen Cabdi Xalana, ayaa waxa uu taageero ka haystaa Faarax C/qaadir iyo dowladda Ethiopia oo madaxweynaha ku cadaadinaya inuu isaga u magacabao ra’iisul wasaare.

Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa waxa uu weli saameyn ballaaran ku leeyahay Golaha BF Somalia ee la rabo in uu ansixiyo Ra’isal wasaraha la soo magacaabi doono, taasi oo warkiisa miisaan u yeeleysa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com